747 Views

Garoonka diyaaradaha Boosaaso waxaa ka degtay diyaaradda sida Gargaar ballaaran

Garoonka diyaaradaha Boosaaso waxaa ka degtay diyaaradda sida Gargaar ballaaran
____________________________________________________________________________

Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Goboka Bari ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ka degtay diyaaradda sida Gargaar ballaaran oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dad ay heysato xaalad Bani’aadannimo.

Deeqda Gargaarka ah ayaa waxaa Puntland gaarsiisay dowladda Talyaaniga, isla markaana waxaa lagu wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ku sugnaa Garoonka Boosaaso.

Mas’uuliyiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiiyeen, iyagoona tilmaamay in Degdeg ah loo gaarsiin doono dadka u baahan ee ku sugan  deegaanada Maamulka.

Talyaaniga ayaa sigaar ah Gargaarka ugu tala-galay in loo gaarsiiyo dadkii deegaanada Puntland ku saameeysay duufaantii GATI ee ku dhufatay halkaas, ayna ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Duufaanta ayaa si darran u saameeysay dadka kunool Gobolada Gardafuu, Barri iyo Karkaar ee Puntland, waxaana la sheegay in Duufaanta ay ku barakaceen kumanaan qof oo qaarkood gaargaar kala duwan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post