405 Views

Wasiirka Batroolka” Farmaajo ayaa ila oga Heshiiska 7 Milyan oo Dollar ayaana lagu Qaatay”

Wasiirka Batroolka” Farmaajo ayaa ila oga Heshiiska 7 Milyan oo Dollar ayaana lagu Qaatay”
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka ka warramey heshiis la sheegey inay Soomaaliya la gashey shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasoo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Heshiiskan oo xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isul wasarahuba ay diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa ayuu wasiirku sheegey inuu Soomaaliya u yahay fursad dhaqaale iyo mid wax soo saar.

Wasiirka ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskan isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo tilmamay in laga yaabo culeys dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga debcinayo.

“Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo aad ayaan isaga war qabnay muddo dheerna waan ka wada shaqeyneynay heshiiskan, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si gaar ah howshaan iila waday, sababta uu uga hor yimid waa mid aan ula yaabay, waxay ila tahay in markii uu baraha bulshada culeys ka arkay uu dib u gurtay.” ayuu yiri Wasiirka.

Mar uu faahfaahin ka bixinayey heshiiskan ayaa Wasiirku sheegay inuu soo bilowday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana wasaaradiisu ay dhameystirtay

“15-kii bishan ayaan saxiixnay heshiiskan haddii ay wax qaldan ku jiraana ma shaaciyeen, shirkaddan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, haddana waan dhameystirnay, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray, waa heshiis Soomaaliya u horseedaya horumar” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray in heshiiskan lagu qaatay 7 milyan oo dollar

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post