459 Views

Qil.aaf mar kale ka dhex Qarxay Puntland iyo PSF oo ka taagan Boosaaso

Qil.aaf mar kale ka dhex Qarxay  Puntland iyo PSF oo ka taagan Boosaaso
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Inkasta oo ay si weyn hoos ugu dhacday xiisadii dagaal ee ka taagneyd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay maamulka madaxweyne Deni iyo hogaanka hay’adda PSF, haddana waxaa soo baxaya in uu reebay saameyn aan weli laga soo kabsan.

Xiisadii dagaal ee Boosaaso waxaa ku xirmay Dekedda Boosaaso oo badeecaddaha kale duwan laga soo dejiyo, islamarkaana la geeyo illaa gobolada dhexe iyo bartamaha dalka.

Badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso ayaa waxaa Ganacsi ahaan ku xiran inta badan gobolada dhexe ee dalka, waxayna taasi keentay in uu isbedelo qiimaha maciishadda nuucyadeeda kala duwan.

Waxaa kordhay wax ku dhow 30% magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, qiimaha cuntada ee gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Galgaguud iyo Hiiraan ayaa kacay. Sababaha u weyn ee kor u kaca intaas le’eg ku keenay qiimaha maciishada ayaa ah kadib markii gaadiidka Boosaaso ka soo daabula cuntada ay joojiyeen shaqadaas iyo dekedda oo shaqadeedu istaagtay intii ay socotay xiisada colaadeed.

Inkasta oo aysan hadda xabad ka socon xarunta gobolka Bari, hase yeeshe waxaa weli hoos ka nool dabkii lagu gubtay ee ka dhashay xiisada dagaal ee u dhaxeysay maamulka madaxweyne Deni iyo hogaanka hay’adda PSF.

Si kastaba, Isimada dhaqanka Puntland oo muddo u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ayaa dhawaan go’aamiyey in hay’adda PSF ay sideeda sii ahaato oo hoggaankeeda loo daayo Maxamuud Cusmaan Diyaano, iyadoo Agaasime Maxamuud la hordhigay inuu dib isugu raadiyo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiineed, si loo soo afjaro khilaafka, ayada oo ay go’aamiyeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaalamay loo bandhigo shareecada Islaamka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

”Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post