825 Views

Maxay yihiin qorsheyaaalka uu Putin ka lahaa dagaalka Ukraine ee fashilmay ?

Maxay yihiin qorsheyaaalka uu Putin ka lahaa dagaalka Ukraine ee fashilmay ?
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Guusha Putin ee dhinaca militariga ah ee dibeda ee caalamka wixii ka danbeeyey 2008 waxaa dhammaantood lagu gaaray iyadoo la isticmalayounugyo ciidan ah oo kooban oo aad u tababaran , calooshood u shaqeysteyaal iyo mailiishiyooyin ka soo jeeda meelaha ay faragelinayaan oo ay la socoto awood dhinaca cirka ah oo uushku bixinayo.

Arrntan waxay Ruushka siisay awood aad u ballaaran iyo faragalino uu ku baxayo qarash aan badneyn siiba kuwii ka dhacay Georgia, Nagorno-Karabakh, Syria, Libya, Mali iyo Ukraine oo labo jeer aheyd xilligii lagu jiray 2014kii iyo tii uu horreysay ee qabsashadi aan sharciga aheyn e Crimea iyo ka dib sameyntii jamhuuriyadaha iskood ugu dhawaqay madaxbannaanida ee Ruushku ka sameeyey Lihansk iyo Donetsk .

Ruushka mar kasta waxay u dhaqaaqayeen si degdeg ah oo qaabdaran oo aanay reer galbeedku awoodin in ay ka hortagaan marka laga reebo cunaqabateyn aanay jirin cid daneyneysa- xaqiiqdana aan waxba ka bedeli karin .

Puin waa nin xirfad gaar ah u heysta in uu abuuro xaqiiqooyin cusub oo la taaban karo.

Bishii Febraayo wuxuu isku dayey isla wixii uu hore u sameeyey ee suurtagalka u ahaa oo uu ka qaadi karo Ukraine – taas oo ah in in uu awoodda dowladda gacanta ugu dhigo 72 saacadood gudahood dal ay ku nool yihiin 45 milyan uuna qabsado dhulka ugu ballaaran Yurub.

Waxay aheyd arrintaa mid la yaab leh iyo qamaar aan laga fiirsan waxayna guul darreysatay toddobaadkii ugu horreeyey ee muhiimka ahaa .

Hadda Putin waxaa horyaalla fursado aad u yar laakiin in uu hore u sii wado dagaalkan uuna ballaariyo , taas oo noqon karta in uu ku baahiyo Ukraine ama uu ku ballaariyo meelo ka baxsan xududdaha Ukraine.

Kor u qaadista waxaa lagu dhisay xaalada haatan Yurubna waxay gaartay meel aad Qatar u ah marka eego taariikhdeeda xilligan.

Marka uu fashilmay qorshaha koowaad oo ahaa qabsashada dowladda ka jirta magaalada Kiyeviyadoo ay taagan yihiin ciidamada Ukraineama caalamka tan waxay kaga careysiin kartaa Mosko ka dibna waxay ku dhaqaaqi karaan qorshaha wejiga labaad.

Fikirka militari ee ahaa in la hareereeyo Kiyev iyo magaalooyin kale sida Kharkiv , Sumy, Donetsk iyo Maruipol iyo kuwo kale waxay dhalisay in kooxaha wax iska caabinta Ukraine aan si fudud loogu dhici Karin

Tan lafteeda waa lagu guul darreystay . Kherson ayaa noqotay magaalada keliya ee weyn ee ku dhacday gacanta Ruushka halkaas oo Ukraaniyiintii ka dagaalamay ay ku furnaayeen dhowr jiho oo dagaalisla markaana aan jirin talis militari oo mideeya .

Ruushka caro ayaa la soo gudboonaatayhaatana waxay ku dhaqaaqayaan qorshihii saddexaadkaa oo ah in ay iska dhaafaan qabsashada Kiyev iyo gobolada Woqooyiga ayna ciidankoodu xoogga saaran weerar balaaran oo ay ku qaadaan gobolka Donbas iyo dhulka ku yaalla Koofurta Ukraine ilaa dekedda Odesa ee ku taalla Koofur-GALBED – oo ah dhulka aan badda laheyn

Shaqsiyadda Putin hadda wax u laaban ma jiro waxana laga yaabaa in xitaa lagu maxkamadeeyo sida dambiile dagaal .

Istaraatejidaya siyaasadeed ee kaliya ayaa ah in dagaalka Ukraine uu ka dhigo wax kale isagoo u ekeysiinaya in Ruushka uu ku jiro dagaal ay ku hayaan Naasiyiin iyo kooxo imberyaaliyad oo raadinya fursad ay Ruushka afka ciidda ugu daraan .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post