1146 Views

Madaxweynaha Shiinaha oo kulan la qaatay Joe Biden ugana digay in raadinta madax-bannaanida Taiwan ay la mid tahay “in dab lagu ciyaarayo”.

Madaxweynaha Shiinaha oo  kulan la qaatay Joe Biden  ugana  digay in raadinta madax-bannaanida Taiwan ay la mid tahay “in dab lagu ciyaarayo”.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, isagoo uga digay in raadinta madax-bannaanida Taiwan ay la mid tahay “in dab lagu ciyaarayo”.

Wadahadalladan ayaa loo arkaa kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo markii Mr Biden uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Labada dhinac ayaa isku raacau xidhiidhka labada dhinac in la hagaajiyo, iyada oo kulankani uu awelba uu ahaa mid lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha ka aloosan dhexdooda.

Xaaladda madaxbanaanida Taiwan ayaa loo arkaa mid ka mid ah waxyaalihii ugu adkaa ee ay ka wada hadlaan.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa qayb isaga ka mid ah oo uu maalin uun la midoobi doonta dhulweynaha Shiinaha.

Maraykanku waxa uu aqoonsan yahay sida oo kalena xidhiidh rasmi ah la leeyahay Shiinaha. Balse waxa ay sida oo kale ballan qaadeen in ay “Taiwan ka caawin doonaan in ay iska difaacdo haddii la soo weeraro.”

nkasta oo ay ereyo adag ka yidhaahdeen xaaladda Taiwan, haddana kulanka ayaa ku bilowday iyadoo labada hoggaamiye ay si diiran isusoo dhaweeyey, iyadoo Mr Xi uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko saaxiibkiisii hore ee Mr Biden.

Mr Biden waxa uu sheegay in labadoodu ” had iyo jeer ay u wada xidhiidhi jireen si daacad ah” isaga oo raaciyay “Weligay ma annaan kala tegin annagoo midba ka kale la yaabban”.Mr Xi ayaa sheegay in labada dal looga baahan yahay inay wanaajiyaan “isgaarsiinta” oo ay caqabado “wadajir ah wajahaan”.

“Bini’aadanku waxay ku nool yihiin tuulo caalami ah, waxaana si wadajir ah u wajahaynaa caqabado badan. Shiinaha iyo Maraykanku waxay u baahan yihiin inay kordhiyaan xidhiidhka iyo iskaashiga.” ayuu yidhi Mr Xi.

Maxaa kale ee ay ka wada hadleen?

Labada wadan ee ugu awoodda badan caalamka ayaan isku si u arag arimo dhowr ah, waxaana Mr Biden uu soo hadal qaaday walaaca Mareykanka uu ka qabo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka socda Hong Kong iyo tacaddiga ka dhanka ah bulshada Uyghurs ee gobolka waqooyi galbeed ee Xinjiang.

Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu faragelin ku hayo arrimihiisa gudaha.

Dhanka ganacsiga, Mr Biden wuxuu iftiimiyay “baahida loo qabo in shaqaalaha iyo warshadaha Maraykanka laga ilaaliyo ganacsiga iyo dhaqamada dhaqaale ee aan cadaaladda ahayn ee PRC [Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.”

Mr Xi ayaa sidoo kale u muuqday mid si adag uga hadlay arrintan, iyadoo wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay inuu u sheegay Mr Biden in Mareykanka looga baahan yahay inuu joojiyo “ku xad-gudubka fikradda amniga qaranka si uu u cabudhiyo shirkadaha Shiinaha”.

Isbeddelka cimilada ayaa sidoo kale laga hadlay. Toddobaadkii hore ayay labadooduba soo wada saareen bayaan wadajir ah oo wax lagaga qabanayo isbeddelka cimilada, wadahadalladii ka socday Glasgow, Scotland.

Tani waxay ahayd markii saddexaad ee ay labada hoggaamiye wada hadlaan tan iyo markii Mr Biden la caleema saaray bishii Janaayo. Wadahadalladan ayaa qaatay saddex saacadood iyo badh, taas oo ka badan intii la filayay.

Mr Xi kama uusan tagin Shiinaha ku dhawaad labo sano, tan iyo markii uu dillaacay masiibada Covid-19.

Xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa muhiim u ah labada dhinac iyo guud ahaan caalamka, iyadoo Beijing ay marar badan ugu baaqday maamulka cusub ee Washington inay hagaajiyaan xidhiidhka sii xumaanayay tan iyo xilligii ka horreeyeyMr Biden ee Donald Trump.

Labada ninba waxay wajahayaan walaac gudaha ah, iyada oo tirooyinka codbixinta ee qiimaynta Mr Biden ay hoos u dhaceen xilli sicir barar jiro, halista coronavirus iyo ka bixitaankii fowdada ahaa ee Afgaanistaan.

Halka Mr Xi waxa uu la tacaalayaa tamar korontada oo hoos u dhacday iyo dhibaato hantiyeed oo dalkiisu wejahayo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post