342 Views

Machadka Teknooloojiyadda iyo Hawada sare ee dalka Itoobiya oo sheegay Dayax-gacmeedki seddexaad iney hawada sare u dirayaan

Machadka Teknooloojiyadda iyo Hawada sare ee dalka Itoobiya oo  sheegay Dayax-gacmeedki seddexaad iney hawada sare u dirayaan
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: January 4, 2023

Machadka Teknooloojiyadda iyo Hawada sare ee dalka Itoobiya ayaa sheegay Dayax-gacmeedki seddexaad iney hawada sare u dirayaan.

Ku xigeenka machadka Dr Yeshurun Alamayehu oo BBC u warramay wuxuu sheegay Dayax-gacmeedkan seddexaad oo lagu magacaabo ETRSS-2 si la mid ah labadi dayax gacmeed oo ka horreeyey waxay ku wareegeysaa dhulka si ay macluumaad uga soo uruuriso.

Dayax-gacmeedkanna wuxuu kuwi hore uu kaga duwan yahay waxay soo direysaa sawirro iyo muuqaallo ka nadiifsan kuwi hore.

Dayax-gacmeedkan cusub wuxuu gacan ka geysanayaa daraasaadka iyo xog uruurinta la xiriirta Beeraha, Macdanta, Ilaalinta Deegaanka, Ilaalinta cimilada iyo kheyraadka dhulka daraasaadka la halmaala.

Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday aqoon yahanno u dhashay dalka Itoobiya iyo kuwa u dhashay dalka Shiinaha.

Itooboya waxay horay hawada sare ugu dirtay Dayax gacmeedyada kala ah ETRSS-1 iyo ET-Smart-RSS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post