2661 Views

Isqabqabsi xoogan oo ka taagan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

Isqabqabsi xoogan oo ka taagan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 –  Isqab qabsiga ka taagan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Maaliyadda uu kusime Magacaabay ka hor safar uu ugu ambabaxay Magalada Barussales,isaga oo ka qeyb galay shirka halkaasi ka socda.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasaaradda Maaliyadda kusime uga dhigay.inta uu maqan yahay ku xigeenkiisa waxaana tallaabadaas kasoo horjeestay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayuu ku sheegay in Warqada Wasiirka Maaliyadda uu kusimaha uga dhigay Wasiir kuxigeenka ay tahay mid ka hor imaaneysa Xeer hoosaadka Golaha Wasiirada oo kala cadeynaya xilalka iyo Masuuliyadda Wasaaradda. Waxa uu ku baaqay in howlaha Wasaaradda loo socodsiiyo sida Sharciga ah.

wasaarada-maaliya

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment