1206 Views

Golaha Shacabka oo maanta cod u qaadaya Sharci muhiim ah oo Xukuumadda soo gudbisay

Golaha Shacabka oo maanta cod u qaadaya Sharci muhiim ah oo Xukuumadda soo gudbisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 20, 2019–Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda 16aad ee kalfadhiga 5aad, iyadoo kulanka maanta oo isniin ah uu yahay kulan muhiim ah.

 

Ajandaha looga hadlayo kulanka maanta ayaa xalay la iclaamiyay, iyadoo Xildhibaanada Farriin qoraaleed loogu diray.

 

Xogheynta Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in saddex ajande looga haldayo kulanka, sida u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Musuq maasuqa, Akhrinta 3aad ee wax ka bedelka Sharciga Batroolka iyo akhrinta Hindise sharciyeedka Doorashooyinka.

 

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoonka ayaa sheegaya in akhrinta 3aad ee wax ka bedelka Sharciga Batroolka loo qaadi doono cod, iyadoo ay u badan tahay in la ansixiyo, waxaana socday galaan gal ay waday Xukuumadda oo ahaa sidii loo ansixi lahaa.

 

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Baarlamaanka uu ansixiyay labo sharci oo kala ah Sharciga Heshiiska Caalamiga ee Naafada iyo qeyb ka mid ah heshiiskii qeybsiga Kheyraadka ee ay gaareen Madaxda dowladda iyo dowladda Federaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment