1071 Views

Kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus oo laga helay Jabuuti

Kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus oo laga helay Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay Gudaha dalkaasi,xilli horay dalal badan oo afrkina ah oo looga helay Cudurka Coronavirus.

 

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa BBC-da u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaaray 14-kii bishan.

 

 

 

Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya,waxaana uu walaac xoogan ku abuurey dalal badan oo ku yaalla Yurub Ameerika iyo Afrika.

 

Soomaaliya marka laga eego Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay waxaa ay shaacisey inay hayaan qof laga helay Cudurka Coronavirus,kaas oo la karantiiley.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment