10161 Views

SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA – Qeybtii 2-aad

SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA – Qeybtii 2-aad
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | July 3, 2018 – Qoraalkani waa kii labaad oo faallo sax ah ka bixinaya taariikhda siyaasadda dibadda Soomaaliya. Wuxuu ka sheekeynayaa xiligii la qaatay gobannimada iyo dadaalkii garab socday ee tilmaamaya wixii laga qabtay dhinaca amniga gudaha iyo horey u dhigidda dhaqaalaha dalka. Wuxuu kaloo ka hadlayaa arrimo ku saabsan siyaasadda dibadda xukuumaddi res’iisul wasaare Cabdirashiid kaalintii ay ka qaadatay arrimaha caalamiga, xiriirka siyaasadeed, kuwi dhaqaale iyo kuwi amni ay la yeelatay wadamada reer Galbeedka iyo kuwa Bariga, iyadoo la dhawrayo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya iyo siyaasadda dhexdhexaadka. Qoraalkani wuxuu micno weyn siinaya alle mahad ha gaartee madaxdii Soomaaliyeed sidii xil weyn isaga saareen dhisidda bulshada Soomaaliyeed iyo dib u habeynta xagga dhaqaalaha dalka iyo gaashaandhigga oo labaduba ahaayeen danaha Qaranka kuwa ugu muhiimsan siyaasada gudaha iyo dibadda.

siyasada-somali-1Intii ka dambeysay gobannimada, gaar ahaan afarti sano ugu horeysay, siyaasadda dibadda Soomaaliya waxay soo hooyeen guulo badan oo la taaban karo. Siyaasadda dibadda waa hab dowladeed oo ka kooban qorsheyn iyo ujeedooyin muhiim ah ay wehliso ficil ka turjumaya danaha Qaranka iyo hadafkiisa balaaran iyadoo la doonayo ujeedooyinkaasi inuu ku galo heshiisyo caalami ah si loo gaaro danaha Qaranka. Danaha ugu muhiimsan ee Qaranka waa aqoonsiga jiritaankiisa, madaxbanaanidiisa, ilaalinta nabadgalyadiisa, siyaasadiisa dhaqan-dhaqaale iyo xasiloonida muwaadiniintiisa. Danaha Qaranka inta badan waxa lagu qeexa afar qaybood oo waaweyn; iyada oo lagu saleynayo sida ay u kala mudan yihiin waxana ka mid ah, danaha gaarka ah, danaha joogtada ah, danaha ku meelgaarka ah iyo danaha guud oo dhamaantood lagama marmaan u ah in lagu jaangooyo himilooyinka siyaasadda dibadda. Danaha joogtada ah waa kuwo muddada dheer ee ku xiran danaha Qaranka, kuwa ku meelgaarka waa danaha Qaranka uu dooranayo waqti cayiman, danta guud waa kuwa Qaranku la wadaago adduunweynaha oo ku xiran arimo gaar ah, danta gaarka ah waa tan lagu tilmaamo inay tahay midda ugu muhiimsan ee danaha Qaranka.

Waxaa guud ahaan lawada ogsoon yahay, in dal haddii siyaasadiisa dibadda aysan laheyn istaraatiijiyad ku saleysan danaha Qaranka ee ka turjumaya baahidda iyo danaha nolosha bulshada, markaa siyaasadda dibadda waxay Qaranka ku hogaaminasaa jahwareer joogto ah, waxayna noqotaa mid ay ku shaqeystaan shisheeyaha, madaxda dalkuna waxay noqdaan kuwa taageera daryeelka danaha shisheeyaha. Midda kale siyaasada dibadda haddii aysan u soo jeedin in wax laga ka qabto daruufaha la taaban karo ee dalka yaalla, waxa iska cad in aysan jirin qorsheyn siyaasadeed oo hogaamisa talaabooyinka la qaadayo iyo aragti horey loogu dhigo dalka.

Haddaan u gudbo xagga daruufihii dalka yiillay, gaar ahaan afarti sano ka danbeysey gobannimada marki aynu helnay, waxaan wada ognahay ummadda Soomaaliyeed waxay soo martay marxalado kala duwan, ha ahaato xagga dhaqaalaha iyo amniga intaba. Soomaaliya waxay aheyd dal dhaqaalahiisa heerka ugu hoseeya adduunka ka joogey, dhaqalaaha dalku wuxuu ahaa mid taagan oo aan laheyn horukac la taaban karo. Sababaha dhaqaalaha sidaan u yiillay keenay aad eyey u badnaayeen, hase yeeshee waxan ka soo qaadan karnaa; gumeysiga wuxu ummadda Soomaaliyeed ku dul fadhiyey 76 sano, iyadoo ay sidaa tahay ma daryeelin inuu wax ka qabto horukicii dhaqaalaha dalka. Waxa dalka tiilay saboolnimo iyo aqoon daro aad u baahsan, waxa wadanka ka jiray shaqo la’aan miyi iyo magaalaba, dhinaca tacliinta waxay aheyd mid aad u hooseysa oo aan loogu talagelin dal gobonimo qaatay in lagu maamulo, maamulayaasha xafiisyada dowlada in tooda badan haba yaraatee ma laheyn aqoon ay ku dejiyaan qorsheyn si nolosha bulshada hab cilmi ah loo jaangooyo, xagga qorsheynta wax soo saarka dalka aad ayuu u hooseysay, dhulka la beerto, xoolaha nool iyo kheyraadka ku jira badda dhamaan barwaqaadaas oo dhan gaajo ayaa looga af xirnaa.

Dhinaca dhaqaalaha, khasnadihii miisaaniyadda dowlada iyo kuwii ganacsiga dibbada labaduba waxay aheeyeen kuwa tabane ah (deficit), ma jirin mashaariic ama miisaaniyad loogu talagalay in lagu abuuro shaqooyin ama hore loogu dhigo dhaqaalaha dalka, waxa maqneyd aqoon qorsheyn dhaqaale ama dhabbagal cilmi lagu ogaado kheyraadka dalka yiillay, si loo ogaado awoodda dhaqaale ee Soomaaliya leedahay, kadibna loo daboolo baahida ummadda Soomaaliyeed. Dhaqaalaha dalka intiisa badan sida beeraha muuska iyo warshadaha yar yar waxay ku jireen gacanta Talyaaniga, waxaana intooda badan wax ku dheefi jiray isaga. Sedexdii sano ugu horeeysay dakhliga dowladda inta badan waxa uu ka imaanayey dhinaca ganacsiga dibadda oo aad ugu xirnaa xoolaha iyo muuska, balse dakhligaasi ma aheyn mid ku filan oo dabooli karay baahida xukuumadda iyo mashaaricda horumarinta dalka..

Haddaan u soo jeesto xagga nabadgalyada, waxaan idiin tilmaamayaa daruufihii dalka yiilay inta ay la ekaayeen. Waxaa jiray mashaakil badan oo si toos ah u taabanaayey nabadgalyada Qaranka, halisna ku ahaa jiritaanka madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed oo u baahnaa si deg deg ah in wax looga qabto. Tusaale haddaan u soo qaato; dhulka Soomaaliya baaxadiisu waa 630.000 oo km oo labajibaarane ah, wuxuu leeyahay xeeb dhererkeedu yahay 3025 oo kiiloomitir oo ay maraan maraakiibta ganacsiga adduunka oo dhan, ciddii doonto ayaa gali karta amar la’aan haddii aan laga ilaalin. Xuduudaha wadanka kaga beegan Galbeedka iyo Waqooyi Galbeed waxa ka xigay Itoobiya, kuwa kaga beegan xagga Koonfur Galbeed waxa ka xigay Kenya, labada xuduud iyaguna waxay u baahnayeen in la daafaco. Soomaliya waxay kaloo leedahay Cir balaarkiisu le’eg inta Badda iyo Barriga uu ku fadhiyo, kuwaasoo u dhexeeya labada lool 12° 0´ Waqooyi iyo 1° 35´ Koonfur iyo labada dhigood 41° 0´ iyo 51° 25´ Bari, saas awgeed, isaguna wuxuu u baahnaa xoog daafaca oo ka ilaalsha dayuuradaha rayidka ee amar la’aanta soo gala, dayuuradaha basaasa xarumaha istaaraatijiga wadanka iyo kuwa dagaalka oo waxyeelo u keeni kara inay duqeeyaan shacabka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dhinac kasta oo ka mid ah soohdimaha dalka xagga Cirka, Barriga iyo Baddba waxay ahaayeen kuwa albaabadoodu furan yihiin oo ciddii maagtaa ay soo gali karto. Cabsida ugu weyn waxa aynu ka qabnay dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya oo aan isku nacnay dhibki gumeysiga keenay. Daruufihii kale ee dalka yiilay waxa ka mid ahaa; nabadgalyada dalka gudahiisa oo aad u hooseysay,waxa jiray dagaalo dhinaca beelaha Soomaaliyeed, ma jirin qibrad ciidaan oo awood u leheyd inay baaran dambiyada ka dhaca dalka gudahiisa ama tallaabo ku haboon ka qaada cadowga iyo basaasiinta ku soo qulqulaayey wadankeena si ay u cuuryaamiyaan Qarannimada Soomaaliyeed, sidaa awgeed daruufahaas oo dhami waxay halis ku ahaayeen jiritaanka madaxbanaanida Soomaaliyeed.

Daruufihii gudaha dalka oo sidaan ahaay, in wax laga qabto mid sahlan ma aheyn, balse madaxdii dalka xukumeysay waxay ku dadaaleen iyagoo daacad u ah dalkoodii hooyo inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Qaran kastaa wuxu xaq u leeyahay inuu guto waajibaadka ka saaran arrimihiisa gudaha iyo dibadda, wuxuu awood buuxa u leeyahay in uu maamulo dalkiisa wixii ku sugan dushiisa iyo gudahiisa oo dhan. Jiritaanka Qaranka waa muhiim, wuxu wadanka u ogol yahay inuu yeesho xirriir deblomaasiyadeed, inuu ka qeybqaato heshiisyada caalamiga ee lagu hormarinaayo dalka iyo inuu meel ka ka joogo amuuraha ka dhacaaya adduunweynaha, isagoo dhowraya xeerarka caalamiga. Xukuumaddii re’iisul wasaare Cabdirashiid waxay la timid siyaasad dibadeed ah in xoogga la saaro sedex qodob oo muhiin ah, iyadoo la adeegsanayo danaha gaarka ah, kuwa joogtada iyo kuwa guud ee Qaranka. Sedexda qodob waxay kala ahaayeen:

  1. In kor loo qaado islaweynida iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed iyadoo laga shaqeynaayo in ay kalsooni buuxda nagu qabaan dalalka Africa iyo kuwa Carabta, inaan yeelano xiriiri adag oo bir ah, tusno inaannu nahay dad ood wadaag ah, isla markaana ah walaallo isku dan ah.
  2. In aan helno kaalmo dhaqaalle, mid miletari iyo mid farsamo iyadoo aan lagu biirin gaashaanbuurta waaweyn ee dowladaha Bariga iyo Galbeedka, isla mar ahaantana arimaha khalafsan ee ka taagan adduunweynaha laga noqdo dhexdhexaad.
  3. In la xoreeyo sedexda qaybood ee maqan, kadibna la isku keeno oo la mideeyo, hal dowladna yeeshaan, hal calan ku wada hoos nooladaan.

Si qodobadaas loo gaaro, xiligaa waxa adduunka ka jiray laba nidaam dhaqan-dhaqaalle oo iska soo horjeeday, mid waxa uu ahaa nidaamkii Hantigoosiga uu hogaaminaayey Mareykanka, midka kalena wuxu ahaa nidaamkii Hantiwadaaga uu hogaaminaayey Ruushka. Labada nidaam ee iska soo horjeeday waxa ka dhashay dagaalkii qobobaa ee gaashaanbuurta dowladaha Bariga iyo Galbeedka ee loo yaqaanay NATO iyo WARSAW. Saas awgeed, waxa lagama maarmaan noqotay in la helo siyaasad dhaqan-dhaqaale oo ku dheellitiran daruufihii xiligaa ka taagna adduunka, isla markaana ka turjuma siyaasad dibaddeed ku jaango’an baahida danta Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliyeed iyadoo ka tilmaan qaadaneysa tartankii ka dhexeeyey dalalka reer Galbeedka iyo Bariga, si cilmi ahna ula socotay baahida dalkeena u qabay in horey loo dhigo xagga dhaqaalaha iyo amniga, waxay la timid siyaasad dibadeed ah in la sii wado xiriirki ka dhexeeyey Soomaaliya iyo dalalka reer Galbeedka, gaar’ahaan Ingariiska iyo Talyaaniga oo labaduba saameyn ku lahaa dhismaha maamulka dowladda iyo furaha dhaqaalaha dalkeena sida bankiyada, beeraha, warshadaha iyo in kale. Intaa waxa dheer, diblomaasiyaddii dhexdhexaadka ay qaadatay dowladii Soomaaliyeed waxay ugu faa’iideysatay inay ugu dhawaato dalalka Shiinaha iyo dowladaha Bariga uu hogaansho Midowga Soofiyeeti.

Haddaan ku hormaro dhinaca siyaasadda dibadda wixii laga qabtay dhinaca dhaqaalaha. Sida aad ogtihiin, horumarinta dhaqaalaha waa ujeedooyinka ugu muhiimsan ee siyaasadda dibadda ee lagu gaaro madaxbanaani dhaqaale. In la gaaro horukac dhaqaale waxay ku xiran tahay in la helo qorsheyn iyo isku dubbarid cilmi ku fadhida oo tilmaanta wadada lagu gaari karo horumar dhaqaale. Dowladdii uu madaxweyne ka ahaa mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, waxay la timid ujeedooyin waaweyn oo loogu gogoldhigayo hormarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka. Tallaabooyinki la qaaday waxa ka mid ahaa markii Soomaaliya ay ka mid noqotay Qaruumaha Midoobay 20-kii Sebtember 1960, waxaa lagu guuleystay Soomaaliya inay xubin buuxda ka noqoto hay’adaha Ummaddaha Middoobay si aan ula kaashano mashaariic horumarineed oo xiligaa u baahnaa dalka. Haddaan mitaal u soo qaato waxa ka mid ahaa; Ururka Cuntada Aduunka (FAO), Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO), Ururka Qaramada Midoobay ee qaabilsan Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka (UNESCO), Bankiga Aduunka (WB), Ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO), Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), (ICAO), Bretton Woods oo aan ku biirnay (August 1962), Suuqa dhaqaalaha Yurub (July 20, 1963) iyo Hay’adda Adeega Duulista Caalamiga oo aan ku biirnay 1964

Mashaariicda laga helay Suuqa Dhaqaalaha Yurub, Bankiga Adduunka iyo hay’adaha caalamiga aan kor ku soo sheegay sida ha’adda cunada adduunka FAO, waxay wax naga tareen tallaabooyinkii lagu hormarinaayey dhaqaalaha dalka sida horumarinta xoolaha iyo beeraha oo labaduba ahaay sekterada kaalin weyn kaga jiray nolosha iyo ilaha dhaqaalaha dalka. Dhoofinta xoolaha iyo muuska waxay ahayeen labada sekter ee saldhig u ahaa dhaqaalaha dalka ee naga soo gali jiray lacagta qalaad aynu adduunka kaga soo iibsano allaabta ceyriin iyo qalabka ay ku shaqeeyaan warshadaha dalka oo dhamaantood kaalin mug leh kaga jiray dhaqaalaha dalka. Waxay kaloo lacagta adag ee naga soo gasha ganacsiga dibadda ay dabooli jirtay miisaaniyadda ganacsida dibadda, waxa lagu kabi jirtay qarashka miisaaniyadda dowladda oo aheyd masruufka shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kale ee miisaaniyadda loogu maarmi waayo in lagu abuuro mashaariic horumarineed oo wax tar u leh dhaqaalaha dalka.

Tallaabooyinka siyaasadda dibadda laga qaaday xagga dhaqaallaha waxa garab socday heshiisyadi caalamiga ee lala galay dowlado ka mid adduunweynaha, kuwas oo ay ka mid ahaayeen heshiisyadii iskaashiga dhaqaalaha, ganacsida, tacliinta, amaahda iyo Farsamada ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta Midowdey (Qaahira, 10 Disember 1960), Jamhuuriyadda Hantiwadaagga ee Midowga Soofiyeeti (Moscow, 2 Juun 1961), Czechoslovakia (Muqdisho, 26 Juun 1961), China (China, Aug 1963) iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka Galbeedka oo Soomaaliya ka caawisay dhowr gargaar oo qaarkood ay iska kaashadeen dowladda Talyaaniga iyo Mareykanka oo ku saabsanaa tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed (Germany 19 Janaayo 1961).

Dhamaan iskaashigi dhexmaray Soomaaliya iyo dalalka aynu saaxiibada aheyn, faa’iidadii laga helay waxay noqotay in aanu helno dhowr mashaariic oo soo kordhiyey dhaqaalihi dalka inuu soo kobto. Haddaan soo qaato mushaariicdi horumarineed ee dalka laga qabtay waxa ka mid ahaa warshado, cosbitaalo, dugsiyo, wadooyin iyo dekedo looga faa’iideysto dhoofinta xoolaha iyo muuska oo dhismahooda ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo dalal saaxiib ah. Waxa kaloo la hormarshay dhinaca waxbarashada dalka gudahiisa, tababaro farsamo iyo kuwa jaamacadeed oo ardey Soomaaliyeed loogu qaaday dalalka Talyaaniga, Carabta, midowga Soofiyeeti, Ameerika, Ingariista iyo Germalka galbeed. Sedexdii sano ugu horeeysay gobannimada, waxa Soomaaliya 30% miisaaniyadda dowladda kabaayey dowladda Ingiriiska iyo Talyaaniga, balse kaalmadii Ingiriisku waxay istaagtey sanadkii 1963, kadib markii xukuumada Soomaaliyeed ay xiriirkii dibolomaasi u jartay dowlada Ingiriiska, taana ay ku timid marki Ingariiska uu ka leexday aayihii Soomaalida NFD, uuna raacshay dalka Kiinya.

Waxa kaloo miisaaniyadda dowladda gacan weyn ka geystay oo kabaayey dowladaha Carabta, Mareykanka iyo suuqa Yurub. Si horey loogu dhigo maamulka dowlada iyo dhaqaalaha dalka, waxa loo baahday waxyaqaan, saas awgeed waxa lagama maarmaan noqotay xagga maamulka dowladda sida wakaaladaha iyo wasaaradaha in laga faa’iideysto xeeldheerayaashi Talyaaniga ee dalka soo gaarsiiyey gobannimada, kuwaasoo gacan weyn ka geystay dhinacyada qorsheynta Qaranka, dejinta sharciga, tab-maamulka xafiisyada dowladda iyo dhinacyada farsamada. Waxay kaloo khabiiradaasi wax naga tareen xagga cusbooneysiinta, hindisaada iyo isku dubbaridka hawlaha mashaariicda dalka u baahnaa. Xiliga waxa leysku dayey in la dajiyo jaangooyn 5 sanadood ah 1963-1967, si loo hormarsho baahidda dalku qabay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen horumarinta xagga warshadaha, xanaanada xoolaha, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha wadooyinka gaadiidka iyo dekedaha dalka oo dhamaan mashaaricdaas wixi laga qabtay laga arki karo jaangooyntii 5ta sano ee loogu gogoldhigay horumarinta dalka.

Haddaan mital u soo qaato, afartii sano ugu horeysay gobanimada, dalka Talyaaniga wuxu ahaa wadanka kaliya ee xagga dhaqaalaha garab istaagay xukuumada Soomaaliya. Xirriirka laba dal gaar ahaan dhinaca iskaashiga dhaqaalaha wuxuu sii xooggaabay markii booqasho rasmi aheyd uu ku tagay Roma Madaxweynaha Aaden Cabdulle Cusmaan oo la socday Wasiirki arrimaha dibadda mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud. Wafdiga waxay la kuleen madaxweynihi dalka Talyaaniga Antonio Segni, Ra’iisulwasaaraha Talyaaniga Giovanni Leone, Wasiirka difaaca Giulio Andreotti iyo Duqa magaalada Roma Glauco Della Porta.

sawir1

Booqashada madaxweynaha waxay albaabada u furtay iskaashi dhaqaale oo rasmi ah inuu dhax maro Talyaaniga iyo Soomaaliya. Haddaan soo qaato waxtarki laga dheefay Talyaaniga waxa ka mid ahaa; hawlo dhibaato weyn naga heysatay sida xukuumada Soomaaliya in laga kabo dhinaca misaaniyadda, deeqaha tacliinta dibadda, dhinacyada maalgashiga iyo suuqgeynta alaabta Soomaaliya gaar’ahaan dalagyada mooska iyo cuntada laga soo saaro beerahii muuska Talyaaniga ku lahaa dalkeena. Taageerada Talyaaniga waxay kaloo xukuumadda Soomaaliya u saamaxday inay ka mid noqoto suuqa Ururka Dhaqaalaha Yurub, kaasoo Soomaaliya u abuuray ilo kale oo dhinaca dhaqaallaha iyo farsamada ah.

Haddii aan ka soo gudbo siyaasadda gudaha gaar ahaan wax qabadkii dhinaca dhaqaalaha dalka, una gudbo siyaasadda dibadda wixii laga qabtay dhinaca difaaca. Sidaad ogtihiin, hawsha nabadgalyada waa shaqo aad u balaaran oo ahmiyad gaara u leh Qarankastaaba. Ilaalinta midnimada dhuleed, nabadgalyada Qaranka iyo badbaadinta muwaadiniinta gudaha iyo dibaddaba waa ujeeddooyinka ugu waaweyn siyaasadda dibadda. Dowladkastaba waa inay la timaada syaasad dibadeed ku jaango’an xaaladaha markaa taagan si looga miro dhaliyo ujeedooyinka amniga dhaqaalaha, amniga siyaasadda, difaaca Qaranka iyo difaaca saykoolojiyadda muwaadiniinta. Wax kasta oo nool waxay leeyihiin cadow lid ku ah jiritaankooda, waxayna u baahan yihiin inay ka amaangalaan mashaakilka kasta si noloshoodu u jirto. Tusaale haddi aan u soo qaato, jirka qofka bani’aadamka ahi haddii uu jeermi ama bakteeriya soo golo, xubnaha difaacayaasha oo dhami waxay ka hortagaan jeermiga iyagoo kaashanaya sun lid ku ah jeermiga. Sidaa oo kale ayaa Qaranku waajib ugu yahay inuu ka hortago wixi lid ku ah nabadgalyada difaaca madax bannaanidiisa iyo xasiloonida muwaadiniistiisa. Ilaallinta nabadgalyada Qaranka waxa ay ka mid tahay tiirarka adag ee dalkasta uu ku taagan yahay, ha ahaato ilaalinta dalka laga difaacayo cadowga gudaha iyo kan dibaddaba.

Difaaca Qaranku wuxu ku dhisan yahay dhowr siyood: mid waxay tahay in Qaranku u diyaargaroobo musiibo aan jirin, balse imaan karta iyadoo aan la fileyn oo wax u dhimi karta awoodda Qaranka. Waqtiga nabadda waxa loo baahan yahay in Qaranku tababaro ciidamadiisa gaashaandhiga sida Cirka, Dhulka iyo Badda, sidoo kale xiliga nabadda waa inuu u diyaargaroobo dagaal aan loo joogin, urursado hub tayo leh, abuuro aydiyooloojiyad lagu mideynayo ama kor loogu qaado saykoolojiyadda muwaadiniintiisa, haddii uu ka maarwi waayo galo heshiisyo gaashaanbuureysi miletari si uu kaga gaashaanto cadowgiisa. Haddii Qaranku intaa iyo in ka badan uusan ku hamin, isaga ayaa khatar ku ah jiritaankiisa inta aan la gaarin cadowgiisa.

Qarankastaa oo xubin ka ah ummadaha midoobay waxa loo ogol yahay inuu isdifaaco. Waxa jira heshiis u dhigan ummadaha adduunka ee midoobay oo qeexaya xaqqa qarankastaaba u leeyahay in uu isdifaaco, xeerka 51 ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegaya xaqqa dowladaha adduunka ay u leeyihiin inay isdifaacan si kali ah ama si wadajir ah haddii dal ku xadgubo dal kamid ah xubnaha Qaramada Midoobay. Qaranka in uu isdifaaco kuma xirna oo kaliya duulaan dagaal lagu soo qaado, balse isdifaaca wuxuu noqon karaa duulaan aan wali dhicin, balse uu filaayo Qaranka in lagu soo qaadi doono, saas awgeed ayaa qaranku waajib ugu yahay in uu difaaco Qarannimadiisa.

Wax kastabase ha ahaatee, Soomaaliya waxay u baahneyd dhamaan intii aan kor ku soo dheegnay oo dhan si loo xaqiijiyo difaaca Qaranka. Waxa lagama maarnaan noqotay in xukuumaddi re’iisul wasaare Cabdirashiid ay qaado tallaabooyin ku haboon difaaca Qaranka Soomaaliyeed. Marka laga hadlaayo difaaca Qaranka ama kolkii dalka uu galo xaalad khatar ah, waxaa loo baahdaa oo soo gurmada ciidanka gaashaandhiga oo ka dhiidhiya inuu difaaco sharafta Qaranka, saas awgeed waxa ila haboon in aan faalo kooban ka bixiyo si loo fahmo ciidanka Soomaaliyeed tayadii uu lahaa marki aynu helnay gobannimada, dhismihi uu soo maray iyo kaalinti daljirnimo uu kaga qaadan karay difaaca gobannimada.

Ciidanka Soomaaliyeed wuxu dhismahiisa si rasmi ah u soo bilowday bishii Febraayo 1950 oo ku beegneyd xiligii xornimogaarsiinta socotay ee Qaramada midoobay ku heshiiyeen Talyaaniga inuu xukumo Soomaaliya muddo ku siman toban sanadood, oo dhamaadkii mudadaas Soomaaliya ay ku gaartay inay hesho xornimo siyaasadeed. Sida ku cad heshiiskii Talyaaniga ay isla meel dhigeen golaha guud ee Qaramada Midoobay 27kii Janaayo 1950, waxa uu qodobkiisa 4aad oranaayey; In Soomaaliya loo dhiso ciidan illaaliya nabadgalyada gudaha iyo ciidan daafaca wadanka, kana shaqeeya amaangalinta nabadgalyada adduunka. Maamulkii Talyaaniga isagoo adeegsanaya qodobka 4aad, wuxu markiiba ku dhaqaaqay inuu ka shaqeeyo dhismaha iyo tayenta ciidanka Soomaaliyeed ee ka kooban ciidanka amniga oo ah Booliska iyo ciidanka gaashaandhiga oo leysku yiraah ciidanka Cirka, Badda iyo Lugta.

Maamulkii Talyaaniga isagoo wada howshii dhismaha ciidanka Soomaaliyeed si nabadgalyada dalka loo gaarsiiyo meel kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, ayaa tilaabadaas waxay u cuntami weyday boqorki Itoobiya Xayle Salaase oo u arkaayey dhismaha iyo tayenta ciidanka Soomaaliyeed inuu khatar ku yahay nabadgalyada Itoobiya iyo xasiloonida geeska Afrika. Xeyle Salaase khatarta u muuqatay, waxay u suurta galisay inuu safar deg deg ah ku tagey dalka Mareykanka bishii Maajo 1954, wuxuuna ku calaacalay madaxweynihii Mareykanka Eisenhower, isagoo ka ashtakoonaya ciidanka loo dhisayo Soomaaliya inuu dhibaato ku yahay nabadgelyada Itoobiya.

sawir2

Si taas looga gaashaanto, Xayle Salaase wuxuu codsaday in Soomaaliya aysan yeelan ciidan lug ah oo ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan, balse ay yeelato ciidan Booliis ah oo tabar daran isla markaana ilaalsha nabadgalyada xuduudaha iyo gudaha Soomaaliya. Wuxuu kaloo dowladda Mareykanka ka codsaday in Itoobiya laga taakuleeyo dhinaca miletariga si ay isaga difaacdo duulaan kaga yimaada Soomaaliya goortii ay qaadato gobanimada. Nasiibdaro dhismihii ku socday ciidanka Soomaaliyeed wixii xiligaa ka dambeeyey maamulkii Talyaaniga sidii la rabay uma dhisan. Markii la soo gaaray 1956, golahii ka dhisnaa dalka ee lagu magacaabi jiray territorial council waxa loo beddelay gole sharci dajin oo maamulkiisi gudaha dalka ay la wareegeen ummadda Soomaaliyeed.

Isla sanadkaasi doorashii dhacday waxa re’iisul wasaare loo doortay mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud, waxa kaloo isla waqtigaas bishii Janaayo 1956, la baabi’iyey ciidankii lugta Soomaaliyeed ee loo arkaayey inuu halis ku yahay nabadgalyada Itoobiya. Ciidanka la kala diray wuxuu ahaa ciidanki Lugta, Cirka iyo Badda oo ka koobnaa 3540 oo askari oo isugu jiray saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley, waxaana dhamaantood lagu biirshay ciidanki Booliska Soomaaliyeed iyadoo dhamaantoodna lagu mideeyey hal hogaan uu taliye u yahay sarkaan Talyaani ah. Arrinta ciidanka iyadoo sidaa ah, xukuumadii re’iisul wasaare Cabdulaahi Ciisse waxay la timid aragti diblomaasiyadeed ay kaga hortageyso dhaqdhaqaaqa joogtada ah oo mabda’a ku dhisan uu Xeyle Salaase ka waday dalalka reer galbeedka ee ka dhanka ah Soomaaliya. Haddaan soo qaato tallaabooyinki la qaaday waxa ka mid ahaa, sanadkii 1957 re’iisul wasaare Cabdulaahi Ciise iyo gudoomiyihii golaha ummadda Soomaaliyeed mudane Adan Cabduule Cusmaan oo hogaaminaya wafdi balaaran waxay booqasho ku tageen dalka Itoobiya, halkaasoo ay kula kulmeen Boqoq Xeyle Salaase.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobbo taariikhi ah iyo mushaakilka ka taagan xuduudada labad dal. Waxa laga wada hadlay qarnigii tagey qeybtiisii ugu dambeysay sidii loo kala qeybsaday ummadda Soomaaliyeed iyo qeybtii Itoobiya ay qabsatay oo daaqsiin u aheyd xoolo dhaqata degan dhulka Waqooyi ee Soomaaliya.   Waxa la isku soo qaaday, sanadkii 1954 dhulkii Itoobiya qabsatay intii ka harsaneyd Soomaali Galbeed seeran illaa iyo Hawd, iyadoo boqorka dhulkaa la haanshihiisa ku sheegatay heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda Ingariiska sanadki 1954. Waxa kaloo kulankaasi looga hadlay arrimo la xirriira dhismaha ciidanka Soomaaliyeed in uusan khatar ku aheyn nabadgalyada Itoobiya, balse Soomaaliya ay dooneyso Itoobiya inay ku wada noolaadaan nabadgalyo iyo darisnimo. Wafdiga Soomaaliyeed waxay Xeyle Salaase u sheegeen in xukuumada Soomaaliyeed ay dhibeyso dhibaatada ay sheeganayaan dadka walaalahooda ee ku hoos nool Itoobiya, isla markaana xukuumadda Soomaaliya ay doonayso inla ixtiraamo oo la aqoonsado aayaha madaxbanaanidooda.

Markii la soo gaaray bishii December 1958, ciidankii Soomaaliyeed ee ka koobnaa ciidankii nabadgalyada iyo ciidankii Booliska ee halka hogaan ku mideysnaay waxa taliskoodi loo magacaabay in uu qabto G/Le Dhaxe Maxamed Abshir Muuse (AUN), waxa kaloo taliye ku xigeen looga dhigay G/Le Dhaxe Daa’uud Cabdalla Hirsi (AUN). General Maxamed Abshir Muuse wuxu ka mid ahaa sideeddii leyli saraakiil ugu horeeyey ee ciidanka booliska Soomaaliyeed tababar sare loogu diray dalka Talyaaniga sanadki 1952. Waqtigaa ka dib, markii uu la wareegay taliska Booliska Soomaaliyeed wuxuu meel hoose ka soo qaaday ciidanka Booliska tiro iyo tayo ahaan, isagoo gaarsiiyey meel sare iyo heer ciidanka Booliska wax qabadkiisa ay ku faanaan ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin wadani ah, dhismihii ciidanka Booliska xagga tababarada iyo qalabeynta wuxu la kaashaday dalal saaxiib ah sida Germalka Galbeed iyo dowladda Mareykanka.

sawir3

Marki ay soo dhawaatay gobannimada, waxaa sedexdi ciidan ee Lugta, Cirka iyo Badda laga soo gooyey ciidanka Booliska, waxaana lagu mideeyey oo la hoos geeyey hal hogaan oo ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aasaaskiisa laga soo qaaday maalintii ay taarikhdu aheyd 12 Abriile 1960.   Resulwasaarihii Soomaaliya mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud ayaa dekereeto ku magacaabay S/G Daa’uud Cabdulle Xirsi in uu noqdo taliyahi ugu horeeyey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Jeneraal Daa’uud isaguna wuxu ka mid ahaa sideeddii leyli saraakiil ugu horeeyey ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee tababarka ku soo dhameystay dalka Talyaaniga sanadki 1952. Allaha u naxariistee, wuxuu geeriyooday bishii Abriil 16kii, 1965kii, isagoo lagu daaweynayo cosbitaalka guud ee mileteriga Moskow. Dhimashadiisi kadib, waxa dikereto madaxweyne lagu soo saaray in loo dalacsiiyo S/Gaas iyadoo lagu abaalmarshay doorkii uu ka qaatay dhisidda iyo kobcinta Ciidamadi ku mideysnaay Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kadib waxa taliski ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la wareegay S/Gaas Maxamed Siyaad Bare (AUN) oo markaa ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed, kana mid ahaa sideeddii leyli saraak ugu horeeyey ee ciidanka booliska Soomaaliyeed lagu soo tababaray dalka Talyaaniga sanadki 1952. S/Gaas Maxemed Siyaas Bare doorkii daljirnimo uu ku lahaa taarikhda Soomaaliya waxaan kaga hadli doonnaa qoraalada soo socda. Markii la soo gaaray sanadkii 1971 waxa xilkii gaashaandhiga loo dhiibay S/Guud Maxamed Cali Samatar (AUN) oo isaguna ka mid ahaa saraakiishi ugu horeysay ciidamada lugta Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka Talyaaniga sanadki 1954. Sedexduba waxay ahaayeen wadanniyiin ku dadaalay habeynta ciidankeena baahidii uu qabay, waxay kaloo ahaayeen Aasaasayaashii, Aabayaashii iyo Awooweyaashii kaalin weyn ka qaatay xagga aasaaska, barbaarinta iyo naaxinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee barissaamki loo yaqaanay libaaxyadii Afrika. Qeybaha dambe ayaan ku soo qaadan doonaa kaalinti daljirnimo ee ciidamada XDS iyo doorkii siyaasada dibadda ay ku laheyd tayenta ciidanka Soomaaliyeed.

sawir4

Dowladda Soomaaliya iyadoo ogsoon marxaladihii uu soo maray dhismihii ciidanka Soomaaliyeed iyo caqabadihii hor taagna Soomaaliya inay yeelato ciidan tayo leh oo difaaca Qaranka, ayaa horaanti bishi April, 1961 waxaa dalka Soomaliya booqasho ku yimid wafdi balaaran uu hogaaminaayo wasiiru dowlaha dalka midowga Sofiyeeti Mr Lessetchko. Wafdigaasi waxa qaabilay madaxweynaha iyo re’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxeyna labada dhinac ka wada hadleen dhibaatoyinka ka taagan Soomaaliya, gobolka geeska Afrika iyo sidii loo hormarin lahaa xiriirka Soomaliya iyo Jamhuuriyadda midowga Soofiyeeti. Wafdiga inta uusan dalka ka dhoofin waxa uu madaxweynihii Soomaliyeed mudane Aadan Cabdulle Cusmaan gacanta u galshey warqad ku socotay hogaamiyaha shuuciga Nikita Khrushchev oo ku saabsaneyd codsi ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in laga kaalmeeyo dhinacyada dhaqaalaha, farsamada, tacliinta iyo miletariga.

Illaah mahaddii ha gaartee, madaxdii Soomaaliyeed ee xiligaa joogtay waxay garteen in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo awood leh. Waxey danta guud ka hormariyeen midda gaarka ah, iyagoo xiliga gartay meesha dalkayagu dantiisa ay ku jirtay si aan u gaarno horukac deg deg ah xag dhaqaalle iyo mid difaac intaba. Waxaa la qorsheeyey in dalka Soomaaliyeed loo dhiso ciidan dhan 20,000 kun oo askari oo ka kooban Cir, Dhul iyo Baddba. Xiligaa waxa geeska Afrika ku tartamaayey laba quwadood NATO iyo WARSAW. Waxa xaqiiq ah, ummaddaha adduunka waxa ka wada dhexeeya dono iyo masaalix, danaha iyo baahida isu keeneysa ummadaha waxay abuuraan dano ay isku weydaarsadaan xiriir iskaashi loo wada siman yahay oo ku dhisan dano joogta ah iyo kuwa ku meel gaar ah.

Tusaalle haddaan u soo qaato, inagu waxaan qabnay baahi joogta ah oo la xariirtay dhinaca amniga, waxaan baahi weyn u qabnay in aan difaacano dalkayaga xuduudahiisa xagga Cirka, Badda iyo Barriga si loo xaqiijino madaxbanaanidiisa, waxaynu dooneynay in aan helo dhaqaale lagu hormarsho kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena. Waxaan diyaar u aheyn in aan wax la wadaagno saaxiib daacad ah oo baahideena iyo ujeedadeena aqoonsan, oo ay la fiican tahay inaan difaacno dalkeena, midnimadiisa iyo Qarannimadiisa. Si taasi lagu gaaro, tilaabooyinki taarikhiga ahaa ee la qaaday waxa ka mid ahaa in re’iisul wasaarihii Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo booqasho rasmi ah ku tageen Dalalka Midowga Soofiyeeti iyo Mareykanka si loo ogaado mowqifka labada quwadood ay ka taagan yihiin dhismaha ciidanka Soomaaliyeed iyo qadiyadda mideynta ummadda Soomaaliyeed ee gumeystaha kala firdhiyey.Wuxuu kaloo baaqasho ku tagey dalka Shiinaha oo aan ku xusi doono qoraalka xigga.

Anigoo tixgalinaya arimaha aan kor ku soo sheegay gaar’ahaan booqashadii re’iisul wasaaraha ku tagay dalalka Midowga Soofiyeeti iyo Mareykanka, haddana waxaa lagama maarmaan ah inta aanan dul istaagin mawduucan in aan farta ku fiiqo iyadoo aan soo koobayo siduu ku dhashay dagaalki qobobaa, siduu ugu hirgalay geeska Afrika, qaabkii danaha Soomaaliyeed loogu cabiray xooggagii ku tartamaayey Gobolka geeska Afrika iyo guud ahaan mowqifkii siyaasadda dibadda Soomaaliya ay ka qaadatay inay ku dhawaato mid ka mid ah xooggagii waaweynaa ee ku tartamaayey geeska Afrika.

Laba sano kadib dagaalweynihii labaad ee adduunka, xooggagii dowladaha reer Galbeedka uu hogaaminaayey Mareykanka waxay dareemeen khatar ku soo fool leh oo kaga imaan kartay dowladaha Yurubta Bari uu hogaaminayey Ruushka oo awoodda gaashaandhigooda aad u kordheysay. Waxay kalo dowladaha reer Galbeedku arkeen afkaarta shuuciga Hantiwadaaga inay ku sii fideyso adduunweynaha oo dhan, tasoo lid ku aheyd hanaanka Hantigoosadka ee reer Galbeedka. Sidaa awgeed reer Galbeedka waxay ku dhaqaaqeen inay yeeshaan difaac iskaashi ah oo ay kaga hortagayaan awoodda ciidanka iyo aydiyooloojida shuuciga. Waxa markiiba abuurmay isbaheysi xagga gaashandhiga ah, sidaa ayaana 1949 dhidibada loogu aasay heshiiskii loo yaqaanay gaashaanbuurta heshiiska Waqooyiga Badweynta Atlantiga (NATO).

Muddo kadib, marku hirgalay heshiiski NATO oo ay ku midoobeen dawladaha reer Galbeedka, waxay tallaabadaas baqdin galisay Ruushka iyo dowladaha Yurubta Bari, waxay ayaguna ku dhaqaaqaaqeen inay sameysteen 1955 heshiiska loo yaqaan heshiiskii WARSOW oo lid ku ah heshiiskii NATO, kuna saabsan isdifaac wada jira ah. Labada gaashanbuur waxa kala hogaaminaayey Mareykanka iyo Ruushka oo mid waliba heystay hubka Atoomikada oo isticmaalkiisu ay dhibaato weyn u keeni kartay adduunka. Labada dowladdood oo ku tartamaya adduunweynaha dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo miletariga waxay mid waliba bilowday tallaabooyin ah inay sameysato saldhigyo milateri oo istaaraatiijig ah. Horaantii kontomaadka, waxa looltanka laba quwadood ku soo fiday geeska Afrika oo aheyd goob istaraatiij ah oo qarniyaal badan ka taagnaay looltan diblomaasi oo salka ku hayey dano dhaqaalle, mid miletari iyo mid istaraatiiji intaba. Labada quwadood waxa gobolka geeska Afrika ku soo horeeyey dowladda Mareykanka, kadib marki ay garatay muhiimadda istaaraatiiji uu ku fadhido gobolka iyo saameynta Itoobiya ku leedahay xaddiga dagaalki qaboobaa.

Gobolka geeska Afrika, juquraafi ahaan wuxu ku yaala badweynta Hindiya iyo badda Cas oo la isaga gudbo Bariga dhaxe iyo Koonfur Galbeed ee Aasiya, waa dariiqa ugu gaaban ee isku xira marinka markiibta ganacsiga ku sii jeedda Bariga iyo Galbeedka. Geeska Afrika waxa dhinaca Koonfureed kaga beegan Gacanka Cadmeed, xagga Koonfur Galbeed waxa kaga aadan badda Cas. Sida aad ogtihiin Bad Cas waxay qiimo weyn ku leedahay xagga ganacsiga adduunka, waxay doorweyn ka ciyaartaa isgaarsiinta marinka badaha adduunka, saas awgeed waa sababaha ugu muhiimsan dhinaca ganacsiga ugu dhaqdhaqaaqa badan adduunka aynu maanta joogno. Xagga ganacsiga waxay leedahay ahmiyad istaraatiji oo aad u muhiim ah, iyada oo ah jid isku xira marin biiyoodka badda Mediterraneanka iyo badweynta Hindiya. Waxaana dhinaca Galbeedka kaga xiga Afrika, xagga Barina saxaraha Carbeed, Waqooyi Barina waxay ku tolan tahay khooriga suweyska oo ku dara badda Mediterranean, Koonfur Barina waxay iskaga darsamaan badweynta Hindiya. Dalalka ku teedsan badda Cas waxa ka mid ah dalka Masar, Suudaan, Jabuuti, Ereteriya, Sacuudiga iyo Soomaaliya oo dhamaantood leh ahmiyad istaaraatiji.

Mareykanka ujeedada keentay gobolka geeska Afria waxay aheyd inuu Ereteriya ku yeesho saldhig miletari uu ka difaaco danaha Mareykanka kaga xiran geeska Afrika iyo Bariga dhaxe. Siyaasadda arimaha dibadda Mareykanka ee Geeska Afrika iyo Bariga dhaxe waxay kaloo aheyd;

  • In uu geeska Afrika ku yeesho saldhig milerari uu kaga hortago iska hor imaadyada ka dhaca Bariga dhexe (Isra’iil iyo Carabta), khooriga suweys, Koonfur Galbeed Aasiya iyo Badda Cas oo ah marinka ay maraan maarakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada ee ku sii jeeda Bariga iyo Galbeedka.
  • In laga hortago Soofiyeetiga in uusan raad miletari ku yeelan geeska Afrika, lagana soo reebo saaxibadda uu ku leeyahay gobolka, iyadoo loo maraayo wadooyin diblomaasi lala kaashanaayo saaxibada Mareykanku ee gobolka.
  • In laga difaaco hanjabaadda, duulaanka iyo majaxaabinta ku wajahan saaxiibadda Mareykanka ku leeyahay gobolka geeska Afrika iyo Bariga Dhaxe.
  • In la hormarsho xasiloonida dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgalyada ku xiran danaha Mareykanka ee bariga dhaxe iyo wixii khatar galin kara jiritaanka Isra’iil.

Mareykanku si uu ku helo saldhiga milerati ee Ereteriya, wuxu maray dhabo dheer isagoo adeegsanaya diblomaasiyad iyo awoodda uu ku leeyahay golaha amaanka iyo goloyaasha Qaramada Midoobay. Taarikh ahaan dalka Ereteriya wuxu Talyaaniga degay oo xarun gumeysi ka dhistay sanadki 1890kii. Marki la jabshay maamulki fashiistihii Talyaaniga ee xukumaayey geeska Afrika iyo Ereteriya, waxa xooggagii reer Gabeedka gaar ahaan Mareykanka ay garab istaageen Itoobiya oo markaa dooneysay in la soo raacsho dalka Ereteriya.

Qeybtii 1-aad : SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA

.

Hassan Ahmed sheekh

Canada

sinaandoon@outlook.com

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment