585 Views

Magaalada Jowhar oo lagu wado in lagu qabto doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay Aqalka sare saakay

Magaalada Jowhar oo   lagu wado in lagu qabto doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay Aqalka sare saakay
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

Wararka ka imaanaya  Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in saakay  lagu wado in lagu qabto doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay 8 kursi oo uu Maamulka Hir-Shabeelle ku leeyahay Xildhibaannada Aqalka Sare

Bishii hore ayay ahayd markii Magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada lix kursi, waxaana labad kursi ee Maanta la doornayo mid kamid ah uu ka taagnaa buuq xoogan, isla markaana, iyada oo doorashadiisu ay socoto xilli habeen ah lagu kala tegay, hayeeshee ugu dambeyn la xaliyay.

labada kursi ee Maanta lagu dooranayo Magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay  ku tartami doonaan 5 musharax, waxayna magacyadooda kala yihiin.

1. Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashir
2. Cali Shacban Ibraahim
3. Cabdalla cabdi Xuseen.

Kursiga labaad

1. Naciimo ibraahim Yuusuf
2. Samsam Cabdullahi Axmed

Sidoo kale  laba kamid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee ku tartami lahaa labadaan kursi ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay isaga hareen tartanka, kuwaas oo kala ah Maxamed Axmed Kulmiye iyo Abuukar Xasan Cali Maqaneey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post