3435 Views

Sawiro:-Madaxweyne Dani oo shir ka furay Garowe

Sawiro:-Madaxweyne Dani oo shir ka furay Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Shirka Dejinta Qorshaha Hirgelinta Siyaasadda Horumarinta Dhallinyarada Puntland.

Furitaanka Shirka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Madaxa hay’adda UNFPA ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland oo shirka Furay ayaa balanqaaday inuu ahmid gaar siindoonto dhallinyarada Puntland.

“Waa shir muhiim u ah Puntland ,waxaa la isku waafaqsan yahay tirada badan ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland 70% wax ka badan inay dhalinyaro yihiin, marka dowladda Puntland waxaa ka shaqaynaysa 70% waa dhalinyaro, dowladdu iyagay ka shaqaynaysaa horumarkooda iyo Mustaqbalkooda.

 

“Waxaad ogtihiin waxyaaba ugu waa wayn ee Puntland ku faanayso oo amniga ah cidda hayso waa dhalinyaro. Ciidamadeena waa dhallinyaro, shaqaaleheeda waa dhalinyaro, xarumaha wax soo saarka ka shaqeeya waa dhalinyaro, kuwa Kalluunka iyo Khayraadka ka shaqayn waa dhalinyaro, dadkoo dhan ayaa dhalinyaro ah.marka waxaa soo dhan in loo sameeyo siyaasad kabaysa waa muhiim”. ayuu ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dhalinyarada ay badalaan arrimo badan oo caqabad ku ah horumarkooda, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka ka socda.

 

“Maalin walba waxaa dalka la keena dad shaqaale ah oo la rabo inay ka shaqeeyaan, dhallinyaradeenuna waa shaqo la’dahay, waxyaabaha aan is qaban karin ayay ka mid tahay, waxay u baahan tahay siyaasad cad in laga yeesho, waxa dhalinyaradu baranayaan iyo caqabadaha haysta”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment