900 Views

Xidigga Barcelona Messi oo ogolaaday inuu kooxdaasi sii joogo

Xidigga Barcelona Messi oo ogolaaday inuu kooxdaasi sii joogo
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: July 14, 2021

 Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa waxa uu ogolaaday inuu sii joogo kooxda Barcelona isagoo kooxdaasi la galay heshiis uu mushaarkiisa kala bar ku dhimayo shanta sanadood ee soo socota waa illaa laga gaaro 2026.

In arrintaas lagu dhawaaqo ayaa waxa ay ku xiran tahay ciyaartoyda ka tagaysa kooxda kuwaas oo Barca u ogolaanaya inay bixiso mushaarka kabtanka xulka kubadda cagta ee Argentina.

Messi oo 34-jir ah ayaa si bilaash ah kooxdaasi uga tegi karay kaddib markii uu qandaraaskiisa dhacay 30-kii Juun, waxaana lagu soo warramay in sanadkii uu Barcelona ka qaato £123m.

Haatan fasax ayuu ku jiraa kaddib markii uu ku guulaystay Koobka Copa America, waxaana weli laga shaqaynayaa xog dheeraad ah oo qandaraaskaasi ku saabsan.

In dib ay Messi ula saxiixato ayaa muhiim u aheyd gudoomiyaha cusub ee kooxda Barcelona Joan Laporta.

Barcelona ayaa waxa ay sidoo kale eegaysaa heshiis ay isku dhaafsadaan weeryahan Antoine Griezmann iyo ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela kooxda Atletico Madrid Saul Niguez, si loo dhimo mushaaraadka ay kooxdu bixiso.

Messi ayaa waxaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqo dhinacaas kooxaha Paris St-Germain iyo Manchester City, iyadoo la filayay inuu la midoobi doono tababarihiisii hore ee Barcelona Pep Guardiola, sidoo kale waxaa lala xiriirinayay dhanka tartanka America Major League Soccer, taas oo uu hore u tilmaamay inuu ka baaraandagayo inuu ka dheelo.

Messi waxa uu Barcelona u dhaliyay 672 gool, waxa uu u qaaday 10 horyaal oo La Liga ah, afar Champions League, todobada Copa del Rey halka uu lix jeer ku guulaystay laacibka adduunka ee Ballon d’Or.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post