1455 Views

Puntland oo sheegtay xubno Daacish ku biiri rabay inay qabteen

Puntland oo sheegtay xubno Daacish ku biiri rabay inay qabteen
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 12, 2019 –Puntland ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigtay xubno ku biiri rabay Ururka Daacish ee ka dagaalama dhulka Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay hawlgal qorsheysan oo Ciidamada ay fuliyeen in lagu guuleystay soo qabashada xubno rabay inay Daacish ku biiraan sida Puntland ay sheegtay.

Hawlgalka oo laga fuliyay togagga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay xubno doonayey, in ay ku biiran Daacish iyo saad ciidan oo loo gudbin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.

Ciidamada PSF Puntland ma aysan sheegin tirada xubnaha Daacishta ee lagu soo qabtay hawlgalkaasi & nooca saadka Militari ee Ciidanka ay ku guuleysteen qabashadiisa.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira Kooxda Daacish ee dhulka Buuraha Galgala ka dagaalanta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment