879 Views

QM” ​​10 milyan oo ku sugan Yemen ayaa ku jira xaalad halis ah”

QM” ​​10 milyan oo ku sugan Yemen ayaa ku jira xaalad halis ah”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 11  2020–Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ku dhawaad 10 milyan oo reer Yaman ah ay la soo daristo cunno yaraan ba’an.

Qaramada Midoobey ayaa carrabka ku adkeeysay in loo baahan yahay in tallaabo deg deg ah la qaado si looga hortago macaluul halkaas ka jirta.

Warbixin ay soo saartay Jimcihii, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa lagu sheegay in si deg deg ah loogu baahan yahay $ 737 milyan si loo soo afjaro sannadkaan Cuno yarida iyo dagaallada Sokeeye

“Waa inaan tallaabo qaadnaa hadda. Haddii aan sugno in lagu dhawaaqo macluul, durba way soo daahi doontaa maadaama dadku durba dhiman doonaan, ”ayaa lagu yiri bayaanka Qaramada Midoobey.

“Yemen waxaa wajaheysa dhibaatooyin dhinacyo badan taabanaya. Soo dejinta ayaa hoos u dhacday, qiimaha cunnada ayaa kor u kacaya, dhaqaallaha ayaa hoos u dhacday, kaydka lacagta qalaadna waxay ku dhowdahay inay dhammaato, ”ayuu lagu sii xusay warbixinta.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post