1053 Views

SAWIRO:-Wakiilka QM & Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka wada hadlay Arrimaha doorashada

SAWIRO:-Wakiilka QM & Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka wada hadlay Arrimaha doorashada
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 05, 2020—Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarkamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

 

Kulank ayaa labada dhinac  waxa ay uga wada hadleen qodobbo ay ka mid yihiin sharciga doorashada, kaas oo hor yaalla hadda Aqalka Sare.

 

 

 

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay sharcigan tilaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.

 

Guddoomiyaha kulmay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarkamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Qaramada Midoobey doorka ay ka qaadaneyso taagerada dhinaca walba leh oo ay siiyaan Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment