1506 Views

Masar iyo Suudaan oo heshiis militeri wada saxeexday

Masar iyo Suudaan oo heshiis militeri wada saxeexday
____________________________________________________________________________

 3-da Marso, 2021

Masar iyo Suudaan ayaa shaley kala saxeexday heshiis militeri kaddib marki ay kulamo yeesheen saraakiisha militeri ee labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Suudaan.

Maxamed Fariid oo ah madaxa militeriga Masar iyo dhiggiisa Suudaan Maxamed Cusmaan Al Xuseyn ayaa heshiiska ku kala saxeexday caasimadda Khartuum.

Madaxa militeriga Suudaan Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in heshiiska looga golleeyahay in lagu dhiso ciidamo qaran oo si xooggan loo tababara, wuxuunaa ugua mahadceliyay Masar taageerada ay siiso Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

Dhanka kale, taliyaha militeriga Masar Maxamed Fariid wuxuu sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xoojiyo cilaaqaadka kala dhexeeyo isla markaana arrimaha ay diiradda saarayaan ay yihiin ‘xoojinta militeriga iyo amniga’

Suudaan iyo Masar waxay horraan sameeyeen dhoolatus militeri iyadoo la filayo inay si wadaan dhoolatuskaas.

Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Al Siisi ayaa lagu wadaa in Khamiista uu booqasho ku tego Suudaan, sida uu ku warramay wargeyska Ahraam ee kasoo baxa Masar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post