276 Views

Booliska Soomaaliya oo goor dhawayd sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen

Booliska Soomaaliya oo goor dhawayd  sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 28, 2022

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen meleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood hadda dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey.

Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari.

Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka.

Weerarka ayaa socday ku dhowaad 22 saac, waxaana si rasmi ah u sheegatay kooxda Al-Shabaab. Hotelka la weeraray ayaa ku yaalla aag amnigiisa aad loo sugo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post