402 Views

Britain oo ku eedeysay Russia inay isku dayeyso in hoggaamiye taageersan ay madaxweyne uga dhigto Dalka Ukraine oo ay xoog ku qabsato

Britain oo  ku eedeysay Russia inay isku dayeyso in hoggaamiye taageersan ay madaxweyne uga dhigto Dalka Ukraine oo ay xoog ku qabsato
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

  Britain ayaa Sabtidii ku eedeysay Russia inay isku dayeyso in hoggaamiye taageersan ay madaxweyne uga dhigto Ukraine, ayada oo sheegtay in sirdoonka Russia ay la xiriireen siyaasiyiin hore oo reer Ukraine ah, si qeyb uga noqdaan qorshaha lagu qabsanayo dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ma aysan bixin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso eedeynteeda oo timid xilli ay xiisad u dhaxeysa Russia iyo Reer Galbeedka oo ka dhalatay ciidamada Moscow ay dhoobtay xuduudda Ukraine.

Moscow waa ay beenisay sheegashooyinka Reer Galbeedka ee ah inay qorsheyneyso inay qabsato dalka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain waxay sheegtay inay heshay xog muujineysa in dowladda Ruushka ay ka fakareyso in sharci-dejiyihii hore ee Ukraine Yevhen Murayev ay ka dhigto hoggaamiyaha dalkaas.

“Uma dulqaadan doonno shirqoolka Kremlin-ka ee ah in hoggaamiye taageersan Russia madax looga dhigo Ukraine,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qortay Wasiirka Arrimaha Dibedda Britain Liz Truss.

“Kremlin-ka waa ay ogyihiin in qabsasho militari ay noqon doonto khalad weyn, islamarkaana UK iyo saaxiibadeeda ay ciqaab adag kusoo rogi doonaan Russia,” ayey tiri. 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa ku gacan seertay hadalkan, waxayna ku qeexday “been abuur”, ayada oo ku eedeysay Britain iyo NATO “inay kasii darayaan xiisadda” Ukraine.

“Waxaan ku boorineynaa Xafiiska Arrimaha Dibedda Britain inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada daan-daansi iyo faafinta beenta,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia.

Warka kasoo baxay Britain ayaa yimid maalin kadib markii diblomaasiyiinta ugu sarreeya Mareykanka iyo Russia ay ku guul-darreysteen inay horumar ka sameeyaan wada-hadallada xal loogu helayo xiisadda Ukraine. 

Russia ayaa sameysay dalabyo ay ka mid yihiin in Mareykanka ay hakiyaan is ballaarinta NATO ee dhanka bari, ayna ballan-qaadaan in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto NATO.

Mareykanka ayaa ku gacan seeray dalabyadaaas, hase yeeshee wada-hadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay sii socdaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post