723 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo ay suuragal ka tahay in ay Eriso Ergayga Midowga Afrika francisco Madeira

Xukuumadda Soomaaliya oo ay suuragal ka tahay in ay Eriso Ergayga Midowga Afrika francisco Madeira
____________________________________________________________________________

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal Media in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu qorsheynaya in uu dalka ka cayriyo Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira oo ah Madaxa Ciidamada Nabad ilaalita ee AMISOM kaas oo lagu eedeeyay in uu xiriir dhaw la leeyahay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday Ergayga Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM francisco Madeira in uu Madaxtooyada u soo diro Ciidan xoojiya amniga madaxtooyada, ka gadaal markii uu Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isku dayay in uu 27 December 2021 uu afgambi ku qabsado Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan xukuumadda.
Dalabka kaga yimid Ra’iisul Wasaaraha ayaa Francisco Madeira oo ahaa in uu ciidan u soo diro madaxtooyada ayuu ka dhago adeegay taas ayaana sababtay ceyrinta Ergayga Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM francisco Madeira, sida ay u xaqiijiyeen Mustaqbal Media ilo lagu kolsoonaan karo.
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminaayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayna ka qeyb galeen dhammaan madaxda Dowlad Gobaleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in amniga madaxtooyada lagu wareejiyo Ciidanka AMISOM.
Hal Cesho ka dib Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Beesha Caalamka ayaa soo wada dhaweeyay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaas oo soo idlaaday 9 Janaayo 2022.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post