1611 Views

Itoobiya oo sharuud ku xirtay diyaaradaha ka dagaya gobolka Tigray ee wada gargaarka

Itoobiya oo sharuud ku xirtay diyaaradaha ka dagaya gobolka Tigray ee wada gargaarka
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

toobiya ayaa sheegtay diyaaradaha deegaanka Tigraay ku socda ama ka yimaadda inta aysan dalka soo gelin ama ka bixin iney ku soo degi doonan gigadaga diyaaradaha caalamiga ee Bole ee magaalada Addis Ababa si baaritaan loogu sameeyo.

Hay’adda duullimadyada rayadka ee dalka Itoobiyan waxay sheegtay diyaaraddi fasax haysato oo keli ah iney ka dagi karto deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi

Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay ayaa go’aankeeda dib uga laabatay kaddib marki ay qiimeysay codsiyada caalamka uga imanaya iyo xaaladda bani aadaminimo ee degaankaasi ka jirto.

Hay’adda waxay sheegtay diyaarad kasta oo gargaar u sidda deegaanka Tigraay in looga baahan yahay iney marka hore ku soo degto garoonka caalamiga ee Boole oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Iyada oo diyaaradahaasi baaritaan qoto dheer looga sameynayo baaritaanka kaddibna la siinayo fasaxa ay ku tagi lahaayeen deegaankaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post