420 Views

Wajiga 2aad ee Shirka dib u heshiisiinta Burka-dirimeed oo furmaya

Wajiga 2aad ee Shirka dib u heshiisiinta Burka-dirimeed oo furmaya
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Maamulka Hishabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan deegaanka burka diirimeed ayaa halkaas kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka  iyo Imaan Daahir Imaam Maxamuud oo ay ka wadahadleen dardargalinta wajiga 2aad ee shirka dib u heshiisiinta iyo dhameystirka Gogosha Nabadeynta ee taala deegaanka Burka Diirmeed.

Madaxweyne Guudlaawe  ayaa xusay in Dowladda goboleedka Hirshabeelle ay ka go’an tahay xoojinta iyo ka guul gaarista arrimaha nabadeynta si bulshadu ay nabad ugu wada-noolaato.

Madaxweynihii hore ee Soomaaluya Shariif sheekh Axmed iyo  waxgaradka Mudolood ayaa dadaalo dib u heshiisiin ah ka wada Burka –dirmeed hlkaas oo ay ku heshiisiinayaan laba beelood oo ku dagaalamay degaano ka tirsan degmooyinka Cadalle iyo Raage Ceelle ee gobolka shabeelada Dhexe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post