993 Views

Ciidamada Amisom oo Qarax lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanada Danow iyo Golweyn..

Ciidamada  Amisom oo Qarax lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanada Danow iyo Golweyn..
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Wararka ka imaanaya Gobolka  Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in  qarax nooca miinada lagula eegtay Ciidamada amisom.

Qaraxaan oo ahaa Nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanada Danow iyo Golweyn ee gobolkaasi.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa goobta laga maqlay rasaas ay rideen ciidamada Midowga Afrika AMISOM, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan labo askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Mana jiraan wax war ah oo ka madax banana sheegashada shabaab oo ka soo baxay dadka Deegaankaas iyo Ciidamada Amisom oo xaqiijin kara arinmtaas.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post