549 Views

Ammaanka magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle oo  si weyn loo adkeeyay
____________________________________________________________________________


Sabti: September 11, 2021

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in dhawaan ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka booliska ayaa ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Maalinta berri ayaa  lagu waddaa in hadal jeedinta Musharaxiinta ay ka bilaabato magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ka socotay diwaangalinta musharaxiinta maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in laamaha Amniga ku amray xaqiijinta ammaanka inta ay socoto doorashada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post