273 Views

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo degmada Ceeldheer ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo  degmada Ceeldheer ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Sabti: January 21, 2023 

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan degamadaas laga xoreeyey.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ragga lasoo qabtay waxaa ku jira horjoogayaal, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

1-Cabdirashiid Macalin Cali (Durdurshe)

2-Cabdi Gaanyaco

3-Iyo Mascuud Cali Lugey.

Isniinti lasoo Dhaafay ayay ahayd markii Alshabaab laga Saaray Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud Shalay ayayna Weerar Culus kusoo Qaadeen Degmada Galcad oo ayaba Dhawaan laga Saaray Alshabaab Taas oo lagu Dilay Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Danan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post