3678 Views

Dr. Cali Cusmaan: “Maxuum Cabdi Dheere halyeey aan la’iloobi doonin”

Dr. Cali Cusmaan: “Maxuum Cabdi Dheere halyeey aan la’iloobi doonin”
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA – USA | QOL | November 21, 2018 – Isboortiga waa awood wax weyn ka bedeli karta dunida aan ku nool nahay,waxay leedahay awood ay ku mideyso dadyoowga caalamka,waxay geesinimo gelisaa jiilalka soo koraayo iyadoo ka weecineyso waxyaabaha  mustaqbalkooda wiiqa kara,waa aalad lagu burburin karo ismaandhaafka iyo khilaafyadda addunyadda hareeyey.

Sidoo kale isboortiga waxa uu kor u qaadaa qiimaha qofka iyo martabadda uu ku leeyahay Qarankiisa iyo caalamkaba,waana luqadda ay isku fahmaan dhalaanka addunyadda ku nool,waxa laga helaa Jir Fiyow iyo Maskax fiyow,aragtidaa iyo aragtiyo kale oo bulshadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba ay ku xusussan doonto Marxuum Cabi Maxamed Cige (Cabdi Dheere) oo dhawaan geeriyooday.

Marxuum Cabdi Dheere waxa uu ahaa shaqsi qiimo ku lahaa Bulshadda Soomaaliyeed,waxa uu ahaa Ciyaartoy,Tababare iyo Oday Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga looga dambeeyo,waxa uu ahaa TIIR qiimo leh oo ay ummadda Soomaaliyeed wayday,waxa uu ahaa abaabiyo jiilalka soo koraayo,waana Halyey aan waligii la iloobi doono,waxaana Ilaah uga baryey in uu Janadii ka waraabiyo.

Marxuum Cabdi Maxamed Cige (Cabdi Dheere) waxa uu ku dhashay Gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan magaaladda Jamame,waxaana waxbarashadiisa dugsiga Hoose iyo Dhexeba uu ku dhamaeystay Dugsigii la Oran Jiray (Jubba School),waxaana Dugsiga Caafimaadka ku dhameystay Magaaladda Muqdishu,isagoo ka qalin jibeyey Kulliyadda Waxbarashadda Lafoole sanadku markuu ahaa 1984kii.

Halyey Marxuum Cabdi Dheere,waxa qof isboortiga aad iyo aad u jecel,waxaana uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad u dheer,waxaana isboortiga ku dhiiri geliyey labo Macalin oo Mareykan ahaa oo lagu kala magacaabi jiray  CHASER IYO GOODMAN,oo wax ka dhigaayey Jubba School oo Jamame ku yiil,waxaana durbadiiba ku soo baxay qof ciyaarta Kubadda Koleyga u jajaban,markii uu Xamar yimid isagoo ka mid ahaa ardaydii wax ka baranaayey Dugsigii Caafimaadka isla markaana uu u ciyaaraayey Kooxdii Kubadda Koleyga ee Wasaaradda Caafimaadka(Wacaf),

wuxuuna halkaa uga gudbay Kooxdii Kubadda Koleyga ee LLPP oo Somalia oo idil caan ka noqotay,sanado badan oo xiriir ahna la loodin waayey kuwaasoo lagu magacaabi jiray(SHANTII JEENO….OO KALA AHAA .CABDI DHEERE,SACIID QORSHEEL,AXMED XAAJI NUUR,MAXAMUUD YUUSUF IYO MAXAMED CABDI CAWAD OO MAGAC DHEERE GEES).

Dr.Cali Cusmaan (Marqatiga Nool) iyo Marxuum Halyey Cabdi dheere.

Waxaan ka mid ahay Marqaatiyadda Nool ee Marxuum Cabdi dheere kala qeyb galay daafacaadda Qaranka Soomaaliyeed,waxaana wada safarnay annagoo qoorta noo surantahay Calanka Buluga ah oo ay ku faanto Ummadda Soomaaliyeed,waxaana ka wada qeyb galnay;

1) – Dhamaadkii 1972,waxaan wada aadnay Magaaladd Qaahira si aan uga qeyb galno is reeb reebkii Horyaaladda Afrika,waxaana si dhib yar ah ayaan ugu gudubnay Tartankii kama dambeysta ahaa oo la qabtay sandaku markuu ahaa 1974.

2) – Sanadkii 1974tii waxaan ka wada qeyb galnay tartankii kama dambeysta ahaa oo ay ka soo qeyb galeen illa 8 Kooxod,waxaana tartankaasi lagu qabtay magaaladda BANQUI,caasimadda Afrikada dhexe,Ciyaartoydii Soomaaliyeed waxay halkaa ka muujiyeen ciyaar loo khashuucay,Cabdi dheere waxa uu halkaa ka muujiyey ciyaar aan xusuUsteyda weligeed ku jiri doonta.

3) – Sanadkii markuu 1975kii,waxaan ka qeyb galnay tartan kubadda Koleyga ahaa oo aan ku tagnay dalak SHIINAHA,waxaana nasiib u yeelanay Ciyaartoydii xulka qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga in ay taarikhda Kubadda Koleyga Soomaaliyeed ay ka galaan halak ugu qiimaha badneyd,ka dib markii ay noqdeen Koox Kubadda Koleyga oo dibadda u safarta oo soo hoyiye Guushii ugu horeysay,Marxuum Cabdi Dheere waxa uu ciyaarahaasi ka muujiyey awood isboorti oo cajiib ah……taarikh xusus mudan iga dheh.

4) – Dalka Kuwait ayaan waxaan uga wada qeyb galnay tartankii dawladaha carabta ee Kubadda Koleyga,waxaana aan gaarnay Semi-Finaalkii waxaana halkaa Ciyaartoydii soomaaliyeed ay muujiyeen ciyaar aad iyo aad loo jecleystay,Marxuum Cabdi Dheere qeyb yaab leh ayuu ka qaatay,waxayna ay aheyd dabayaaqadii sandkii 1975tii.

5) – Sanadkii 1975 September 1deedii,waxay ku aadaneyd dabaldegii sanadguuradii ka soo wareegatay maalitntii loo dabaaldegaayey Kacaankii Dalka Liibiya,waxaana ka mid aheyn dawladihii lagu casumay in ay ka qeyb galaan,waxaana ummadda Soomaaliyeed u matalay Xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed iyo wafuud kaloo ka socotay Dawladii Soomaaliyeed,waxaana ka galnay kaalinta labaad,wallow garsoore Tunisia ah uu naga diiday kubad uu Tuuray Axmed Xaaji isla markaana shabaqa uu bartanka u dhigay,nasiib daro waxa diiday Garsoorahii,waxayna noqon laheyd 65 dhibic oo Somaliya halka Kooxda liibiya ay lahaan laheyd 64,Tababare TOBAIS isagoo ilmeynaayo ayuu waxa uu dhawr jeer ku celceliyey THE BALL WAS IN THE AIR…….Cabdi waxa uu ka mid ahaa kuwa guushaasi keenay.

6) – Marxuum Cabdi Dheere waxaan ka wada qeyb galnay tartankii carabta ee lagu qabtay Dalka MASAR,sanadku markuu ahaa 1975 oo ciyaar Kubadda koleyga oo heerkeeda sareyey halka ku soo bandhigna…………

Dr Ali Osman Aqoonyahan dhinaca Dhaqaalaha & Qabiir Sports

 

Anigoo ah (Dr. Cali Cusmaan) oo ku hadlaayo Magaca Ummadda Soomaaliyeed,bahda Isboortiga ee kala duwan.gaar ahaan halyeyadii Isboortiga Soomaaliyeed ku soo jiray 50kii sano oo ugu dambeysay,ayaan waxaan halkaan uga dirayaa Ummadda Soomaaliyeed,qoyskii Marxuum Cabdi Dheere iyo Banhda Isboortiga Tacsi tiiraanyo leh,waxaan Ilaah ugu baryeynaa in uu Janadii Fardawsa aheyd ka waraabsho,intii uu ka tageyna samir iyo iimaan ka siiyo AMIIN.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment