1320 Views

Ciidamada Kenya oo toogasho ku dilay laba ka mid ah koox burcad ah xaafadda Islii

Ciidamada Kenya oo  toogasho ku dilay laba ka mid ah koox burcad ah xaafadda Islii
____________________________________________________________________________

Jimco: july 23 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi gaar ahaan  xaafadda Islii  ayaa sheegaya in Ciidamada dharcadka ee Kenya ay  toogasho ku dileen  laba ka mid ah koox burcad ah oo dhac u gaysaneysay bakhaar ku yaala xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Ciidamada ayaa sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, kuwaa oo sida la sheegay ka tirsanaa kooxdaasi burcadda ah, waxaana wararka ay sheegayaa in xaaladda qaar ka mid ah ku wa dhaawaca ah ay liidato

Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ka hortaggeen fal burcadnimo ah oo laga gaysanayay xaafadda Islii, oo ay Soomaalida degto, ayna u suurta-gashay inay toogasho ku dilaan laba ka mida demiile-yaashii falkaasi ku lugta lahaa.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay adkeysay amniga xaafadda Islii, ka dib markii ay ku soo bateen kooxaha burcadda ee dafa teleefanada gacanta iyo sidoo kale falalka afduubta la xiriira.

Offrice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post