498 Views

Dalalka Yurub oo la ciir ciireysa qaxooti xad dhaaf ah ee Ukrain

Dalalka Yurub oo la ciir ciireysa qaxooti xad dhaaf ah ee Ukrain
____________________________________________________________________________

Axad: March 6, 2022

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR), ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan iyo bar dadka reer Ukraine ay ka carareen dagaalka ka holacaya dalkooda, tan iyo markii uu bilawday.

Madaxa sare ee hey’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa ku tilmaamey qaxan dhibaato qaxooti tii ugu xumeyd Yurub, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Poland ayaa sheegtay in tiradii uggu badneyd ee dadka reer Ukraine, ay kasoo talaabeen xadka. Dalkani, ayaa waxaa soo gaarey dad gaaraya 900,000 oo qof.

Tiro dad ah oo ay u badan yihiin haween iyo caruur, ayaa sidoo kale galaya dalalka Slovakia, Hungary, Romania iyo Moldova.

Madaxweynaha Moldova, Maia Sandu, ayaa codsatey in laga caawiyo wax ka qabashada qulqulka qaxootiga.

Dalkeedu waa mid kamid ah dalalka ugu saboolsan Yurub, waxeyna la tacaalaysaa qeybta kaga soo beegantey qaxootiga dagaalka ka baxsanaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post