1104 Views

Wajiga labaad xareynta Ciidamadii Dowladda lagu wareejiyay oo ka billaawday Galgaduud

Wajiga labaad xareynta Ciidamadii Dowladda lagu wareejiyay oo ka billaawday Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali (Xagaa)  iyo Taliyaha Qaybta 21aad  Janeraal Yuusuf Cabdilqaadir (Kaanti) ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

 

Mas’uuliyiintaan ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan  fulinta wajiga Labaad ee Qorshaha Ciidamada kaas oo ah Xareynta Askartii dhawaan laga diiwaan geliyay Dagmooyinka Gobolka Galgaduud,kuwaas oo lagu wareejiyay Dowladda Federaalk Soomaaliya.

 

Saraakiisha Ciidamada iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay Cabudwaaq ka qaadi doonaan Ciidamadii la diiwaan geliyay qeybahooda loo xushay in ay ka Mid noqdaan Xoogga Dalka,waxaana dhawaan Tababar uu Ra’iisulwasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre uga furi doonaa Dugsiga Carbiska ee Harqaboobe oo ka tirsan Dugsiyada Taliska Qaybta 21aad kaa oo ku Yaalla duleedka maagalada Gurceel.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment