1716 Views

Nin Ajnebi ah oo noqonaya gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya

Nin Ajnebi ah oo noqonaya gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 –Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii August ee sanadkii 2018-kii shaacisay in jagada Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay banaan tahay una tartami karaan Soomaali iyo Ajaanib.

Ku dhawaad 150 ruux ayaa soo codsaday jagadaasi, waxaana kamid ah ajaanib doonaya in ay xilkaasi qabtaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in nin Ajnabi ah kana mid ah saddexdii qof ee ka midka ahayd 7-dii qof ee ugu dambeyn isu timid.

Ninka jagadaasi in uu buuxiyo ku guuleystay  ayaa la sheegaya in lagu magacaabo Nigel Roberts, waxaa uu u dhashay dalka UK, waxaa uu sanadkii 1981-dii ku biiray Bangiga Adduunka, waxaa uu ka shaqeynayay qaybta Dhaqaalaha Beeraha (Agricultural Economist).

Waxaa uu la taliye Bangiga adduunka uga noqday arrimaha Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Myanmar, Falastiin, Lebonan.

Waxaa lagu waday in maanta uu Golaha shacabka ka doodo xeerkaas, hayeeshee kulanka ayaa dib u dhacay, waxaana lagu wadaa in ay meel mariyaan 14-ka Bishan oo Golaha shacabka loo ballamiyay in ay isu imaadaan

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment