900 Views

Qaramada Midoobey oo caambaareysay weerarkii lagu qaaday Hoteel Afrik

Qaramada Midoobey oo caambaareysay weerarkii lagu qaaday Hoteel Afrik
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021–Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Huteel Afrik, kaddib war saxaafadeed ay kasoo saareen weerarkaas.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay ka argagaxeen weerarka arxan darrada ah ee lagu qaaday huteelka ee lala beegsaday dad shacab ah.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarka iyadoo ay weli socdaan dadaallada loogu gurmanayo dadka uu dhaawaca soo gaaray.

Hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 9 qof oo 4 qof oo kale oo kamid ahaayeen ragii weerarka ku qaaday Hotelka, waxaana dadka weerarka ku dhintay ugu caasanaa Janeraal Maxamed Nuur Galaal.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post