495 Views

Aqalka Cad “ Beegsiga xarumaha Rayidka Ukraine waa dambi dagaal

Aqalka Cad  “ Beegsiga xarumaha Rayidka Ukraine waa dambi dagaal
____________________________________________________________________________

War ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Washington, ayaa lagu sheegay  in beegsiga xarumaha Rayidka ee Ukraine ay tahay dambi dagaal, isagoo xusay in Mareykanka uu maxkamadda dambiyada Caalamiga ah siin doona macluumaad ku saabsan waxa Moscow ay ka sameyneyso magaalooyinka Ukraine.

Bayaanka oo soo baxay  galinkii danbe ee Jimcihii shalay, ayaa sidokale lagu sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden aanu dib ula  macaamil doonin dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, illaa hogaanka dalkaasi uu la yimaado isbeddel nidaam.

Dhinaca kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ayaa ku dhawaaqday in Xukuumadda Kyiv ay ku wargelisay in qaar kamid ah qalabka aasaasiga ee warshaddaha Hubka uu waxyeello soo gaaro.

Sidokale, Xoghayaha Tamarta  Maraykanka Jennifer Granholm ayaa carabka ku adkeysay in aan indhaha laga qabsan Karin waxyaabaha Moscow ay kula dhaqmeeyso dadka Rayidka ah ee Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post