975 Views

Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Madaxtooyada Galmudug

Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Madaxtooyada Galmudug
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 19|  2020
—Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmudug.

Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post