345 Views

Maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay inay ka heshay Ceel shidaal deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex

Maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay inay ka heshay Ceel  shidaal  deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex
____________________________________________________________________________

Talaado: Jannaayo 2023

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex, sida uu shaaciyay wasiirka tamarta iyo macdanta ee Somaliland, Cabdillaahi Faarax Cabdi.

Wasaaradda waxay sheegtay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen shidaalka.

Waa shidaalkii ugu horreeyay ee laga helo deegaanka.

Wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa intaas ku dartay in shirkadda tarmarta Genel ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa sameyn doonto baaritaan dheeraad ah isla markaana sameyn doontoi shidaal qodista.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post