213 Views

Mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hordhigay dalab muhiim ah

Mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hordhigay dalab muhiim ah
____________________________________________________________________________

Talaado, 27 December [QARANIMO ONLINE] Qaar ka tirsan ardayda wax ka barata Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho, ayaa ka dalbaday hormuudka Jaamacadda in loo sameeyo fagaare lagaga doodo dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee dalka ka dhaca, waxaanna ay sheegeen in fagaarahaasu noqon doono mid lagu gorfeeyo arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka dhaca, tallooyin turxan bixin ahna lagaga jeedin doono hay’adaha dowladda & dhinacyada ay quseyso.


Maxamed Xassan Xaashi oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata Jaamacadda ayaa sheegay in 335 arday oo ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadda in ay gudbiyeen codsi mas’uuliyiinta sare ee Jaamacadda Accord.


“Dalku, wuxuu ku jiraa marxalad adag oo qofka damiirkiisu nool yahay uu ka gil-gilanayo. Waxaa jira su’aalo fara badan oo ay tahay in la isweydiiyo, weliba lagu celceliyo, ayna su’aalahaasi ka jawaabaan dhinacyada ay quseyso” Ayuu yiri Maxamed Xassan Xaashi, isaga oo intaasi ku daray in sababaha mushkiladaha dalka ka dhacaya sii seeta-dheereynaysa ay tahay iyada oo aysan jirin cid lagala xisaabtamayo jariimooyinka dalka ka dhacaya.

“Xalay xaafada aan deganahay ee Tabeelaha, ciidamo boolis ah ayaa habeen-barkii guryo u dhacay iyaga oo ku marmarsiyoonaya baaritaan; wixii hanti ah oo reerku lahaa waa laga dhacay haddeey tahay dahab & lacag, markii ay saldhigii tageen oo ay dacwoodeen waxaa loo sheegay in ciidamadu ay baaritaan wadeen. Mar walba waxaa dhaca dilal, dhac & kufsi loo geysanayo rayidka, siddeey ku dhici kartaa in ciidamadii loogu talogalay in ay shacabka ilaaliyaan in ay iyagu dhacaan.? Yaa loo raacanayaa falkaasi” Ayuu isweydiiyay Maxamed Xassan Xaashi, wuxuuna intaasi raaciyay in loo baahan yahay in dhacdooyinka nuucaas oo kale ah bannaanka la keeno, cidda ay quseysana ka jawaabto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post