690 Views

Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Mudane  Qoor Qoor oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug
____________________________________________________________________________


Jimco: October 8, 2021


Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DGM.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen

• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Golahu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Golahu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Golahu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post