1740 Views

Sharaxaad: Maxaa ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya?

Sharaxaad: Maxaa ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2020 –Dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday “dagaal lama filaan ah” oo ka dhan ah maamulka qowmiyada degta waqooyiga ee Tigray, taas oo khatar ku ah xasilloonida gobolka Istiraatiijiga ah ee dhaca Geeska Afrika.

Laakiin dhibaatada ka jirta Itoobiya, oo ah mid ka mid ah waddamada ugu dadka badan Afrika, ayaa soo ifbaxaysay muddo haatan laga joogo bilo “waxayna u egtahay sii daawashadeedu shil tareen oo si tartiib ah u socda” ayuu yiri Dino Mahtani oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta Nabada ee Nobel sanadkii la soo dhaafay ka dib markii uu sameeyay dib u habeynta siyaasadeed, wuxuu wajahayaa cawaaqib xumada ugu badan ee wali ka jirta isbadalkii ugu dambeeyay ee dalka.

Abiy ayaa jimcihii sheegay in howlaha militariga federaalka ee waqooyiga ay leeyihiin “ujeedooyin cadcad, xaddidan oo la gaari karo”, halka madaxa Qaramada Midoobay uu sheegay inuu si aad ah uga walaacsan yahay.

Laba arrimood ayaa dhacay subaxnimadii hore ee Arbacada: Isgaadhsiinta ayaa laga jaray gobolka woqooyiga ee ay maamulaan Tigreega aadka u hubaysan ee Itoobiya, Abiy wuxuu ku dhawaaqay inuu amar ku siiyay ciidamada in ay ka jawaabaan weerar la sheegay inuu khasaare badan gaystay oo ciidamada Tigray ku qaadeen saldhig militari oo halkaas ku yaal.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka bilaabay. Oo labaduba waxa ay kordhiyeen cadaadiska iyo gaashaan buurta dabayaaqadii Khamiista.

Dhawaqyo goos goos ah oo duqeyn ah ayaa laga maqlayay magaalada Aburafi, oo u dhaw xadka Tigray iyo Amxaarada, 3-da subaxnimo waqtiga maxalliga ah Jimcihii, mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee gobolka ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay ciidan ka soo daabulayaan daafaha dalka oo ay geyeen gobolka Tigreega, hogaamiyaha Tigray-na waxa uu sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen qaybo ka mid ah caasimada gobolka. “Waxaan diyaar u nahay inaan shahiidno” ayuu yiri. Khasaare nafeed ayaa laga soo wariyay labada dhinac.

Khubarada qaar waxa ay isbarbar dhig ku sameeyeen iska horimaadka iyo dagaalka u dhexeeya dowlad goboleedyada, iyadoo labo ciidan oo waaweyn oo si wanaagsan u tababaran ay muujinayaan calaamado yar oo dib u noqosho ah dagaalo hubaysan.

Itoobiya waa mid kamid ah dowladaha ugu hubka wanaagsan Qaaradda Afrika, kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa xukumaysay militariga iyo dowladda dalkaas kahor inta uusan Abiy xafiiska qaban 2018.

Sidee ayuu xafiiska ku yimid?

Isbaheysiga xukuma Itoobiya ayaa Abiy u magacaabay ra’iisul wasaare 2018 si uu gacan uga geysto dejinta mudaaharaadka waqti socday oo dowladda looga soo horjeeday. Wuxuu si dhakhso leh ugu guuleystay amaanka, maamula wanaaga – iyo Nobel – furitaanka wajiyo siyaasadeed iyo xakameynta talaabooyinkii cabudhinta ah ee lagu haayay shacabka waddanka ay ku nool yihiin 110 milyan oo qof iyo qowmiyado badan.

Laakiin kooxda TPLF ayaa dareentay in loo beegsanayo si xad dhaaf ah waxayna kabaxday sanadkii lasoo dhaafay isbahaysiga maamulka.

Kooxda TPLF ayaa diidan doorashada dib udhacday ee Itoobiya, waxaana iyada oo la cuskanayo faafida COVID-19, Abiy la siiyay waqti uu xafiiska ku sii joogi karo waana xudunta khilaafka.

Bishii Sebtember, gobolka Tigray wuxuu u codeeyay doorasho maxalli ah oo dowladda federaalka Itoobiya ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah. Dowlada dhexe ayaa markii dambe udhaqaaqday in ay ka jarto dhaqaalahii ay siin jirtay golaha fulinta ee TPLF iyo dowladaha hoose ee gobolka, taas oo ka careysiisay hogaanka gobolka Tigreega.

Isniintii, hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael wuxuu ka digay in dagaal dhiig badani ku daato uu qarxo.

Hoggaamiyaha gobolkaan oo laga tilmaamo nin hal adag ayaa leh waayo-aragnimo badan oo dhanka dagaalka ah waxa uu goob joog u ahaa dagaalkii xadka Itoobiya ee sanadaha badan socday oo kala dhexeeyay Ereteriya, oo deris la ah gobolka Tigray, kooxda xasaradaha adduunka waxa ay ku qiyaaseysaa in ciidamada milatariga ee TPLF iyo maleeshiyada maxalliga ahi ay haystaan ilaa 250,000 oo askari.

Iyadoo isgaarsiintu wali maqan tahay, way adagtahay in la xaqiijiyo labada dhinac xisaabteeda dhacdooyinka dhulkaas ka socda.

Maxaa hadda dhici kara?

Colaada ayaa ku faafi karta qeybaha kale ee Itoobiya, halkaas oo gobolada qaar ay ku baaqayeen in ay dhisanayaan maamulo u gaar ah, rabshadaha qowmiyadaha ee sababa dhimashada ayaa horseeday in dowlada federaalka ay soo celiso talaabooyin ay kamid tahay qabqabashada dadka dhaliila siyaasadeeda taas oo dadka qaarkood ku tilmaameen “dagaal ka dhan ah xoriyada hadalka”.

Isaga oo ka hadlaya cabsidaas, taliye ku xigeenka ciidanka Itoobiya Birmadu Julaa Birhanu Jula goor dambe oo khamiistii wuxuu ka yiri Tigray: “Dagaalku halkaas buu ku dhamaan doonaa.”

Dowladaha qaarkood iyo khubarada ayaa si deg deg ah ugu baaqaya in laga wada hadlo arrimaha Tigray. Diblumaasi reer galbeed ah oo ku sugan magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa yiri: “Fariinta itoobiyaanku waa hadii aad kahadasho wadahadal waxaad dhex-dhexaad u qonaysaa labada dhinac, laakiin ‘tani waa dowlad sharci ah, taasi waa koox goos goos ah’.”

Talaabooyinka aya Xukumadda Itoobiya soo bandhigtay ayaa ah in la burburiyo kooxda TPLF, diblomaasigaas oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri, “haddii aan iraahdo waan idin burburinayaa, markaas wax gorgortan ah miyaa jira?”

Kooxda TPLF ayaa kahor dagaalka waxa ay sheegtay inaysan danaynaynin wax wada xaajood ah oo ay lagasho dawlada federalka waxayna codsatay in lasii daayo hogaamiyaasha laxiray oo shuruud u ah wadahadalada.

Wadahadal loo dhan yahay waa inuu dhacaa, ayay leeyihiin daneeyayaasha Itoobiya, laakiin bayaan goor dambe oo khamiis ah ay soo saareen guddi dublamaasiyiin Mareykan ah oo hore iyo khubaro milatari oo ka tirsan Machadka Nabadda ee Mareykanka ayaa ka digay inaysan meel fog gaari doonin cagajuglayn iyo xabsi ”.

Maxay tani uga dhigan tahay Itoobiya?

Gobollo aad u yar oo u nugul dagaalka ayaa ku yaalla Geeska Afrika. Dalalka deriska la ah Itoobiya waxaa ka mid ah Soomaaliya – Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen in ay ka baxaan goboladda Bay,Bakool iyo Gedo si ay dalkooda ugu laabtaan – iyo Suudaan, oo wajahaya isbeddel siyaasadeed oo weyn oo iyada u gaar ah.

Dowladaha deriska la ah ee Eritrea ayaa muujisay xooggaa yar oo is dhexgal ah kadib markii ay heshiis nabadeed la gashay Itoobiya sanadkii 2018, dowladdeeda iyo tan Tigrayna isma waafaqsana mana heshiin.

Gobol uu Abiy ka ciyaaray nabadeyn heer sare ah ayaa hada halis ku jira!.

Kormeerayaashu waxa y ka digayaan in isku dhac ka qarxa dalalkan iyo kuwa kale oo aan ka fogeyn uu saamayn ku yeello karaan istiraatiijiga iyo muhiimada gobolkaan uu u leeyahay caalamka iyo Afrika

Jabuuti oo ah dalka ugu yar geeska Afrika oo dhowr quwadood oo caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Shiinaha ay ku leeyihiin saldhigyadooda ayaa noqo kara wadanka ugu istiraatiijiga badan Afrika.

“Xasiloonida Itoobiya waxa ay muhiim u tahay gobolka Geeska Afrika oo dhan. Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo dejiyo xiisadaha, xal nabadeedna looga gaaro khilaafka, ”Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa ku yiri fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Jimcihii.

Itoobiya waxa ay durba walaac ka muujisay muranka kala dhexeeya Masar ee biyo xireenka weyn ee Itoobiya madaama dalkeedu wajahayo khala laaso siyaasafeed.

In kasta oo ay jireen walwal laga qabay ficil militari, “Waxaan jeclaan lahaa in aan cadeeyo in Masar ay masuul ka tahay in kala qaybsanaanta Itoobiya oo ay aasaas ahaan dhaawac ku tahay amniga gobolka,” dibloomaasi hore oo Mareykan ah Payton Knopf, lataliye sare oo ka tirsan Machadka Mareykanka ayaa hadalkaan sheegay todobaadkii hore.

Isha: Wakaaladdaha wararka:-Aljazeera iyo Reuters.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post