2070 Views

Sawiro:-Kabul: Ciidanka Oo Soo afjaray hotel ay weerareen koox hubeysan

Sawiro:-Kabul: Ciidanka Oo Soo afjaray hotel ay weerareen koox hubeysan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Ciidamada gaarka ah ee dowladda Afghanistan ayaa  saaka soo gaba gabeeyay howlgal ay ku galeen Hotel  caan ah oo ay xalay fiidkii galeen Koox hubeysan kuwaas oo qaraxyo iyo rasaas isugu daray dadkii Hotelka ku sugnaa.

Wasaaradda Amniga gudaha Afghanistan ayaa shaacisay in 5 Qof ay dhinteen,lix kalena ay dhaawacmeen,iyada oo Ciidamada amaanka ee Hotelka gurmadka u galay ay badbaadiyeen 150 Qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka.

Hotelka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Intercontinental,waxaana sidan oo lale 2011kii la weeraray ku dhintay 20 Qof,iyada oo markaas ay Dalibaan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Weerarka xalay ilaa saaka ma jirto ilaa hadda cid sheegatay waxaase  la filayaa in Daalibaan ama Daacish ay midkood sheegtaan.

Weerarkan waxaa uu ku soo aaday iyada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay digniin u jeedisay Hotellada Kabul in ay la kulmi doonaan weerarro argagixiso.

 

_99680782_hi044191293 fd1484dfa26c494b99deda8ba226f75f_18 b27f2bb6f4784d18b5952d8fa67028d7_18

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment