1266 Views

SAWIRO:-Banaanbax ka dhan ah Madaxda Puntland oo ka dhacay Gobolka Bari

SAWIRO:-Banaanbax ka dhan ah Madaxda Puntland oo ka dhacay Gobolka Bari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Qaar ka mid ah Shacabka deegaanka Ceel-Daahir ee Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax cabasho ah ay uga soo horjeedaan xukun dil toogasho ah oo Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay shalay ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada maamulkaas.

 

Askariga Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay ku riday xukunka dilka ah ayaa lagu eedeeyay fududeynta dilkii Boosaaso loogu gesytay Maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa

 

Shacabka ayaa sheegay in Askariga la xukumay oo lagu Magacaabo Xiddigle Maxamuud Axmed Maxamed (Sheekeeye) xukunkiisa uu yahay mid xaqdaro ah,isla markaana Madaxda Puntland aysan u cadaalad falin Shacabka degan deegaannada kala duwan ee Puntland.

 

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in uu sharci darro yahay xukunka lagu riday askarigaas,waxaana ay ka dalbadeen Madaxda Puntland inay ka fiirsadaaan fulinta Xukunkaas oo ay sheegeen in uu yahay mid dowlado shisheeye lagu raali gelinayo.

 

Banaanbaxaayasha ayaa wadooyinka deegaanka Ceel-Daahir qaarkood xiray,iyaga oo markaasi ku gubay Taayaro,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in inta badan Goobaha Ganacsiga ay Maanta xiran yihiin.

 

Taliyaha Ciidamada Ammaanka deegaanka Ceel-Daahir ayaa u soo baxaya dadka banaanbaxa dhigaya si uu ula hadlo,hayeeshee ay taasi ka biyo diideen, iyaga oo sheegay inay banaanbaxa wadi donaan ilaa iyo inta laag jawaabayo cabashadooda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment