600 Views

Axmed Madoobe oo sheegay in Rooble uusan qabin karin doorasho inta farmaajo uu joogo Villa Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo sheegay in Rooble uusan qabin karin doorasho inta farmaajo uu joogo Villa Soomaaliya.
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

Kulan shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxa uuna soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku dhisan tahay qori isku dhiib, doorasho in la qabtaana ay muhiim u tahay jiritaanka dowladnimada dalka.

“Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, saan horeyba u sheegayay dowladnimadeedu waxay ku dhisan tahay qori isku dhiib iyo wax la yiraahdo kugu sin, kugu sug. Marka ay doorashadu socoto dadka waa wada cadow, waa la dagaalamayaa, wax baa la’isku hayaa, laakiin marka ay arrintu dhammaato, qof weliba waxaa weeyaan waxa sharciga bisadaha la yiraahdo. Bisaduhu marka ay wax isku haystaan, aad bay u qayliyaan, way jiitamaan, laakiin marka midi ay wixii qaadato wax ka daba hadlayo ma jiro, doorashaduna waa noocaas,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xusay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorashada la fillayo, inta aanu Ra’iisal Wasaaruhu u madaxbannaaneyn waajibaadkii loo igmaday, waxa uuna eedayn kulul u jeediyay farmaajo.

Office Nairobi kennya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post