1287 Views

DEG DEG: Xoghayihii Arrimaha Dibedda Mareykanka Collin Powell oo geeriyooday

DEG DEG: Xoghayihii Arrimaha Dibedda Mareykanka Collin Powell oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 18, 2021

 Collin Powell oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 84 jir ah.

Powell ayaa si buuxda uga tallaalnaa cudurka, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo dhigaeen Facebook.

“Waxaan maanta weynay sey, aabe, awoowe iyo American weyn oo aan caadi aheyn,” ayey qoyska ku yiraahdeen qoraalkooda. 

Powell ayaa ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dadka madow ee Mareykanka.

Ad by Valueimpression

Waxaa jagooyin sare u magacaabay saddex madaxweyne oo Jamhuuri ah, wuxuuna soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka.

Powell oo lagu dhaawacay dagaalkii Vietnam, ayaa la-taliyaha amniga qaranka u noqday madaxweyne Ronald Reagan 1987-illaa 1989-kii.

Wuxuu taliyaha guud ee ciiidamada Mareykanka noqday intii uu madaxweyne ahaa George H.W. Bush iyo intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1991-kii.

Madaxweyne George W Bush ayaa Powell u magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sanadkii 2000, xilkaas oo uu hayey illaa 2004.

Powell ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa xog la sheegay inay been aheyd oo uu Golaha Ammaanka QM horgeeyey 5-tii Febraayo 2003, si uu qiil ugu raadiyo dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraq ee lagu riday Saddam Hussein.

Waxa uu mar dambe qirtay in xogtaas ay aheyd mid aan sax aheyn oo ku timid sirdoon been ah oo ay heleen.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post