1212 Views

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho waxa ay wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment