465 Views

Bangiga Adduunka oo lacag gaareysa illaa 100 milyan oo dollar u ansixiyey Dowladda Soomaaliya

Bangiga Adduunka oo  lacag gaareysa illaa 100 milyan oo dollar u ansixiyey Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Khamiis: JULY 28, 2022

Bangiga Adduunka ayaa lacag gaareysa illaa 100 milyan oo dollar u ansixiyey Dowladda Soomaaliya, taas oo loogu talagalay hormarinta dhaqaalaha dalka, si loo gaaro heerarka dhammeystirka ee barnaamijka dayn cafinta ee dalkeenna Soomaaliya.

Lacagtaan Soomaaliya loogu deeqay ayaa ujeedkeedu yahay horumarinta dadaallada dowladda ee ku aadan daah-furnaanta maaliyadeed iyo kordhinta dakhliga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bangiga.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in deeqdaan lacageed la waafajin doono nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda.

Masuul u hadley Bangiga Adduunka ayaa sheegay in dhaqaalahan wax looga qaban doono abaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post