777 Views

Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo uu galabta gaaray.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Shir ku saabsan doorashooyinka uu uga furmo Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa ah wajiga Saddexaad ee shir wadatashi ah oo ka dhacay isla Dhuusamareeb ayna yeesheen madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post