879 Views

Weerar lagu qaaday Kaniisad dad badan ku sugnaayen oo ku taalla Naigeria

Weerar lagu qaaday Kaniisad dad badan ku sugnaayen oo ku taalla Naigeria
____________________________________________________________________________

Axad June 5, 2022

Koox hubeysan ayaa dilay dad ku sugnaa Kaniisad ku taalla gobalka Ondo ee Koonfur-galbeed dalka Nigeria,sida uu sheegay guddoomiyaha gobalkaas.

Arakunrin Akeredolu ayaa ku tilmaamay weerarkan mid fal “shaydaan ah “oo lagu beegsaday dad aan waxba galabsan.

Rag hubeysan ayaa gudaha u galay Kaniisadda Saint Francis Catholic, ee magaalada Owo,iyadoo halkaa ay xilligaa ku cibaadaysanayeen dad badan maadama maanta ay tahay maalin Axad ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka gaysatay ay afduubatay qaar ka mid ah wadaadadii Kaniisadda joogay.Sidoo kale wali ma cadda tirada saxda ah ee dadka weerarkaan ku dhintay.

Bilihii la soo dhaafay guudahaan dalka Nigeria waxaa kordhayay rabshadaha iyo afduubyda ay ka gaysanayaan kooxaha hubaysan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post