1524 Views

Dhaqane Travel Agency oo sheegay in Duulimadkii Muqdisho iyo Nairobi ay bilowdeen Sawiro.

Dhaqane  Travel Agency oo sheegay in Duulimadkii Muqdisho iyo Nairobi ay bilowdeen Sawiro.
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Waxaa lagu wadaa Maanta oo Axad ah 13-bisha June  in magaalada Muqdisho ay ka soo Duusho Diyaaradii ugu horeysay mudo 32 maalin ah oo ay soo gaarto Dalka Kenya, waxaana Usbuucyadii la soo dhaafay Xayirnaa Duulimaadyadii ka soo bixi jiray Muqdisho oo imaan Jiray Nairobi.

Dib u furista duulimaadyada ayaa yimid, kadib markii ay Kenya 10-kii bishan ku dhowaaqday inay dib u fasaxday diyaaradaha ka tega Soomaaliya iyo kuwa ka yimaada dalkeeda.

Sidoo kale arrintan ayaa ku timid, kadib isku dhowaasho ay labada dhinac ay muujiyeen si loo hagaajiyo xiriirka xumaada labada dal ee dariska ah.

Xarunaha Diyaaradaha laga jaro ee magaalada Nairobi gaar ahaan Xarunta dhaqane Travel Agency oo ah tan ugu wan magaalada Nairobi ayaa laga dareemaa dhaq dhaqaaq aad u balaaran kuwaas oo Tigit ka jaranaayo Soamli badan  sidii ay muqdisho ku tagi lahaayeen.

Waxaa arintaan sida aad ah u soo dhaweeyay   Abuukar Xasan Dhaqane oo ka mid ah xarumaha ugu waawayn magaalada Nairobi oo sheegay in ay qasaare ka soo gaartay duulmiyaadyadii horey oo joojiyey.

about:blank Dhaqane ayaa sheegay in go’aanka Kenya uu markii hore ahaa mid deg deg ah oo lagu soo aaday, xilli uu jiray cudurka saf-marka ee Covid-19.

“Saameyn dhaqaale ayaa naga soo gaartay joojinta Duullimaadyada Soomaaliya iyo kenya, muddada xayiraadda ma aanay shaqeysan, waxaa nagu dul xayirmay alaab aan u wadnay macaamiisheena, waan soo dhaweynayaa dib u fasaxidda Diyaaradaha” ayuu yiri Abuukar.

Sdii kale labada dowladood ayaa haatan wada dadaallo ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda, maadaama uu go’ay, isla-markaana la kala rartay safaaradaha.

Abdihakim Elmi Hassan

Email-cabdixakiin441@hotmail.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post