801 Views

Kumanaan dad ah oo isugu soo baxey waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Kumanaan dad ah oo  isugu soo baxey waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
____________________________________________________________________________

isniin: October 18, 2021

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxey waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dibad baxayaasha ayaa doonaya in xukunka dalkaasi ay kula wareegaan ciidanka military-ga afgambi.

Ciidanka iyo xubno rayid ah, ayaa wadaagayey awoodda dalkaasi iyomaamulkiisaba illaa iyo 2019-kii, markii xukunka laga tuurey Madaxweynihii hore Omar al-Bashir.

Dareenka dadka Sudan ayaa haatan kacsan, illaa iyo markii uu dhicisoobay afgambigii ay ku dhaqaaqeen qeyb kamid ah ciidanka bishii hore.

Dibad baxayaasha ayaa sheegaya in dowladda haatan ay ku guul dareysatey wax u qabashada dadkeeda, halka sicirka shidaalka uu cirka isku shareerey, kabistiina la jarey.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxay dibad baxayaasha qaarkood is hor tubeen bannaanka aqalka madaxtooyada iyagoo dalbanaya in militarigu uu xukunka la wareego.

Haddaba maxaa soo celiyay dibadbaxyadan, waxaanu su’aashaas iyo kuwo kaleba weydiinnay Dr. Axmed Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faallooda arrimaha Carabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post