1116 Views

Golaha Ammaanka ee QM oo taageeray Maamulka Cusub ee Libya

Golaha Ammaanka ee QM oo taageeray Maamulka Cusub ee Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 10, 2021Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan maamulka cusub ee Liibiya, waxayna ku baaqeen in si buuxda loo dhaqan geliyo xabad joojintii horay loo gaaray.

Golaha Amniga ayaa soo dhoweeyay doorashada dalkaasi iyo sidii loga qaybgalay Madasha Wadatashiga Siyaasadda Liibiya ee lagu qabtay magaalada Geneva.

Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Liibiya, ayaa sheegay in kormeerayaasha ay yihiin xoog fududeeye u taagan so if bixinta caqabadaha qaswadayaasha.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda lagu dhisay heshiiska Qaranka, Fatxai Baashaqa ayaa caddeeyay in dadka Liibiya, ay u sinayeen madasha wadahadalka siyaasadeed.

Shir jaraa’id oo uu Wasiirka  ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Liibiya ee Tripoli ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo xiisaddaha ka taagan dalkiisa, waxuuna  muujiyay in uu diyaar u yahay in uu booqdoona gobolada dhaca bariga dalkaasi si loo qeymeeyo hergalinta heshiiskii lagaaray.

Wasiirka ayaa ugu danbeeyn tilmaamay in dowladda hadda jirta ay diyaar u tahay in ay ku wareejiso xukunka dowladda cusub, ayna sii wadi doonto howlaheeda inta ay xukuumadda cusub ka helayso kalsoonida Baarlamaanka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post