1092 Views

Antonio Guterres “Bishii Maarso oo kaliya Soomaaliya waxaa ka dhacay 77 qarax…”

Antonio Guterres “Bishii Maarso oo kaliya Soomaaliya waxaa ka dhacay 77 qarax…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2019–Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo shalay warbixin ka horjeediyay Golaha amaanka ee Qaramada midoobey ayaa sheegay in bishii Maarso oo kaliya ay ka dhaceen Soomaaliya 77 qarax iyo weeraro, kuwaasoo lagu dilay dad fara badan.

 

Antonio Guterres ayaa sheegay in arintaasi ay cadeyn u tahay tababar yarida dowladda Soomaaliya, isagoo caddeeyay in hal bil weeraro intaas la eg ay dalka ka dhacaan ay ugu dambeysay sanadkii 2016, xilligaas oo ay dalka ka talineysay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqti kala guur ah ku jirtay.

 

“Arrintan waxey muujineysaa tababar yarida dowladda, waana wax laga xumaado in bilihii April iyo Maarso ay weeraradii ugu badnaa Kooxaha argagixisada ah ay ka geystaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, farsamada ugu badan ee Al-Shabaab hada adeegsato waa Miinooyinka” ayuu yiri Guterres.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa dhinaca kale sheegay dowladda haatan dalka ka jirta ay ku fashilantay la dagaallanka argagixisada, ka hortagga, xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo la dagaallanka musuq maasuqa.

 

Balse waxa uu qiray in dib u dhiska hay’adaha dowliga ah horumar laga sameeyay laga soo bilaabo 8-dii February sanadkii 2017, xilligaas oo la doortay madaxweyne Farmaajo.

 

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa sheegay inay kordheen weerarada dhinaca Cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaalada ay qaadayaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM, tiiyoo ay sii dheer tahay howlgalada laga sameeyo dalka, gaar ahaan Caasimada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment