486 Views

Ciraaq oo Soomaaliya usoo jeedisay in ay bixiso deyntii ay ku lahayd

Ciraaq oo Soomaaliya usoo jeedisay in ay bixiso deyntii ay ku lahayd
____________________________________________________________________________


Sabti: March 26, 2022

Wasaraada Arrimaha dibada dalka Ciraaq ayaa usoo jeedisay Soomaaliya in la gaaray inay iska bixiso deeymaha ay kuleedahay, Wasaaradda ma aysan faah faahin inta ay la egtahay deeynta ay Dowladda Iraq ay ku leedahay Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Iraq oo lasoo marsiiyay warbaahinta gudaha wadankaasi ayaa lagu sheegay in wakiilka Wasaaradda Arrimaha dibadda Iraq Qaxdaan Daha Khalaf uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muse intuu uu socday shirka Golaha iskaashiga islaamka oo ka dhacay magaalada islam abaad ee dalka Pakistan xiligaasi uu ku wargeliyay in Soomaaliya ay iska bixiso deymaha ay ku leedahay dowladda Iraq.

Mr Qaxdaan ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya sidoo kale wasiirka Maaliyadda Soomaaliya labaduba uu ku casuumay dalka Iraq si loo gaaro heshiiska bixinta deeynta Soomaaliya lagu leeyahay iyo qaabka ugu sahlan ee lagu bixin karo inkastoo uusan shaacinin waqtiga rasmiga ah ee labada mas’uul booqanayaan wadankaasi Iraq.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post